Farmaajo oo goordhow u safray Itoobiya

0
Monday October 04, 2021 - 08:26:38 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo goordhow u safray Itoobiya

    Qoraal kasoo baxay Madaxtoyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal kasoo baxay Madaxtoyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi




Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u amba-baxay dalka Itoobiya.

 

Madaxweynaha ayaa ka qayb galaya Caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,kaasi oo ay Caleema saarkiisa qayb ka yihiin wufuud iyo madax ka socota dalalka Africa.

 

Qoraal kasoo baxay Madaxtoyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo goordhaweyd u Safreen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

 

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya” ayaa lagu yiri Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Farmaajo ayaa xariir dhaw waxaa uu la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed,waxaana horay uu socdaal ugu tagay dalkaasi Itoobiya.


Loading...
Loading...