Abiy Ahmed Oo Dhawaan La Caleema Saari Doono

0
Monday October 04, 2021 - 07:49:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Ahmed Oo Dhawaan La Caleema Saari Doono

    "Dowladdiisa cusub, Abiy ayaa wajihi doona dhibaatooyinkii uu ka dhaxley xiligiisii hore"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladdiisa cusub, Abiy ayaa wajihi doona dhibaatooyinkii uu ka dhaxley xiligiisii hore"

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa lagu wadaa in la caleema saaro isniinta, si uu u soo dhiso dowlad cusub, ka gadaal markii ay dhacdey doorasho aad la isugu khilaafey, taasoo dhacdey bishii June, iyadoo uu xisbigiisa Barwaaqo kasoo hoyey guul baaxad leh.



Guusha xisbiga ra’iisal wasaaraha, ayaa waxaa qariyey dagaalka lagu hoobtey ee ka socda gobolka Tigreega, taasoo ugga dhigan Abiy inuu awoodda sii heyn doono shanta sano ee soo socota.


Abiy ayaa la wareegay talada dalka labaad ee Africa uggu dadka badan sanadkii 2018-kii, ka gadaal sanado ay socdeen dibad baxyo lagaga soo horjeedo dowladda.


Markaas dadka yaqaana aad bay u yaraayeen, isagoo durbadiiba ku guuleystay hanashada qalbiyada dad gaaraya malaayiin, si uu u sameeyo tallaabooyin uu wax ku badalayo.


Soo if bixiddii isku dhaca dhanka qawmiyadaha, ayaa durbadiiba waxey noqotey caqabad isku horgudubta horumaradii uu sameynayey, ha yeeshee caqabaddii uggu weyneyd ayaa timid sanad kadib, markii uu dagaal ka qarxey gobolka waqooyiga ee Tigreega.


Waxaa la rumeysan yahay in dagaalkani ay ku dhinteen dad gaaraya kumanaan kun oo qof, taasoo dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya lagu eedeeyey iney tacadiyo ba’an geysteen.


Bulshada Caalamka ee ay isku jaalka mar ahaayeen Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, kaasoo la guddoon siiyey biladda nabadda, ayaa haatan waxaa maamulkiisa lagu eedeynayaa inuu is hor taagey gargaarka la doonayo in la gaarsiiyo gobolka Tigreega.


Doorashadii qabsoontey bishii June ina dhaaftey, taasoo ay hareeyeen khilaafka baaxadda weyn, ayaa xisbiyadii uggu waa weynaa ee mucaaradka ay qaadaceen.


Dowladdiisa cusub, Abiy ayaa wajihi doona dhibaatooyinkii uu ka dhaxley xiligiisii hore, iyadoo laga doonayo inuu xal u keeno dagaalka ay dadka badan ku dhinteen, kaasoo ah arrinta cadaadiska uggu weyn ku haya.

 

BBC

Loading...
Loading...