Xildh. Ka Tirsan Golaha Wakiilada SLAND Oo Wax Laga Xumaado Ku Timaamay Dadka Xukuumadu Ka Tarxiishay Laascaanood

0
Sunday October 03, 2021 - 16:51:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Ka Tirsan Golaha Wakiilada SLAND Oo Wax Laga Xumaado Ku Timaamay Dadka Xukuumadu Ka Tarxiishay Laascaanood

    "Waanu kasoo horjeednaa in dad somaliyeed oo walaaleheen ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waanu kasoo horjeednaa in dad somaliyeed oo walaaleheen ah"

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Maxamed Abiib, oo ka tirsan Goaha Wakiillada Somailand ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dadka ay xukuumada Somaliland ka tarxiishay Magaalada Laascaanood.

 

Waxaanu Xildhibaanku intaasi ku daray in talaabada Xukuumada Muuse Biixi shacabka kaga tarxiiayo Laascaanood ay ka soo horjeeda Sharciga islaamka iyo ka Somaliland-ba.

 

"Wax aad looga xumaado ayaa ka socda laascanood waxas oo kasoo horjeeda sharecada sharciga somaliland iyo kan caalamiga ahba.

 

Suuragalna maaha in fashilka amni ee masuuliyiinta laascanod lagu qarsho Tarxiilka dadka masakiinta ah ee kaso baxay dhibaatada ba'an awalba



Waanu kasoo horjeednaa in dad somaliyeed oo walaaleheen ah dib loogu cesho holacii ay ka yimaadeen shalay Walibana loogu daro kala qaarid kala kaxayn iyo kala fogayn iyaga iyo ehelkoodii iyaga iyo hantidoodii qaar kamida

Hadaan kala qaadanay laba jamhuuriyadood maaha in dareenkii walaalnimo iyo somalinimo dhintay.

 

Bilaa ogaysiis bilaa xisaab taariikhda lama arag dad suuqa uun laga urursho oo baabuur la iska saaro gaalo cadcad ayaaba ogaysiis lasiiyaaye”.

 

Loading...
Loading...