Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Baraawe

0
Sunday October 03, 2021 - 14:54:41 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Baraawe

    Socdaalkan Ra'iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaalkan Ra'iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud

May be an image of 10 people, people standing and outdoors


Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga diorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo dadweyne.

Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo la kulmaya shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqan doona qaar ka mid ah xarumaha adeegyada bulshada ee Baraawe.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muddo ah inuu ku taamayay inuu booqdo magaalada Baraawe oo ah magaalo leh ilbaxnimo iyo taariikh fac weyn isaga oo Shacabka Baraawe uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran.
May be an image of 6 people, people standing and outdoors
May be an image of 9 people, people standing, sky and grass
May be an image of 4 people, people sitting, people standing and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and outdoors
May be an image of 2 people, people standing and outdoors

Loading...
Loading...