Shacab Farabadan Oo Laga Soo Tarxiilay Laascaanood Oo Gaaray Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal

0
Sunday October 03, 2021 - 09:27:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacab Farabadan Oo Laga Soo Tarxiilay Laascaanood Oo Gaaray Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal

    Dadkan la soo qabqabtay ayaa u badan dad ka soo jeeda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa muddo sanado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkan la soo qabqabtay ayaa u badan dad ka soo jeeda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa muddo sanado


Boqolaal ruux oo ku noolaa magaalada Laascaanood oo laga soo masaafuriyay shalay ayaa xalay gaaray magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.

Dadkan oo isugu jira haween,carruur iyo rag ayaa ka mid ahaa ganacsatada iyo xoogsatada ku noolaa magaalada Laascaanood.

Shacabka ku nool magaalada Burtinle ayaa soo dhaweeyay iyagoo gargaar cunto iyo biyo ah u sameeyay shacabka laga soo masaafuriyay magaalada Laascaanood oo lagu eedeeyay inay ammaanka dhibaato ku yihiin.

 

Dadkan la soo qabqabtay ayaa u badan dad ka soo jeeda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa muddo sanado ah ku noolaa magaalada Laascaanood.

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Sool ee Maamulka Somaliland G/dhexe Axmed Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegey inay ajnabi yihiin dadka kasoo jeeda Soomaaliya, ayna ula mid yihiin Itoobiyaanka.

 

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ku tilmaamay tallaabadan ay maamulka Somaliland qaadeen inuu yahay mid ku cusub dhaqankeena suuban, oo aan ka turjumeynin ilbaxnimada iyo dhaqanka Dowliga ah.

 

Waxana uu wasiirku ku tilmaamay nasiib darro in si gaar ah loo bartilmaameedsado dad gaar ah oo weliba si nabad ah ugu ganacsanayey magaalada, qaarkoodna hantidooda iyo guriyahooda laga soo dhex-saaray.

 

Tallaabadan uu qaaday maamulka Somalialnd ayaa imanaysa maalmo kooban kadib markii magaalada Muqdisho lagu doortay Senataro metela Somaliland kuwaasoo ka mid noqonaya Aqalka Sare ee dalka Soomaaliya.

 



Loading...
Loading...