Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Hadlay Weriye Ay Xidheen Boolisku

0
Sunday October 03, 2021 - 07:45:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ka Hadlay Weriye Ay Xidheen Boolisku

    "Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ka soo horjeeda taalaaba kasta oo baalmarsan sharciga "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ka soo horjeeda taalaaba kasta oo baalmarsan sharciga "

Hargeysa (HWN) Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xadhiga wariye Mawliid Ismaaciil Haradigeed, oo ciidamada booliska Somaliland ee magaalada Laascaanood ay xidheen, waxaanay sheegay in sifo sharciga baalmarsan loo maray xadhiga wariyaha.



Sidoo kale waxaa ay Solja ugu baaqeen laamaha ammaanka ee magaalada Laascaanood in ay xoriyadiisa si deg dega ugu soo celiyaan, wariye Mawliid Haradigeed.


Warka ka soo baxay xafiiska ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa u dhigna sidan.”Ciidamada Booliska Somaliland ee Gobolka Sool ayaa magaalada Laascaanood ku xidhay Wariye Mawliid Ismaaciil Digeed, Wariyaha ayaa la qabtay isagoo shaqo maalmeedkiisii ku jira shalay 02/10/2021.


Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu ka soo horjeeda taalaaba kasta oo baalmarsan sharciga taasoo loo maro Xadhiga suxufiyiinta, waxananu u soo jeedinaynaa laamaha amniga inay si deg-deg ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan wariye Mawliid.”

Loading...
Loading...