"Maalmahan Waxa La Sheegayaa Dad Calamadii Soomaali Weyn Iyo Wax La Mid Ah Qaybinaya"….Wasiir Maxamed Kaahin
Hargeysa(HWN):-Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka digay dad uu sheegay inay qaybinayaan calanka soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin oo goor dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay jiraan dad ka soo horjeeda somaliland oo doonaya inay khal khal sameeyaan inta lagu gudo jiro xuska 18-ka May oo la qabanayo bari.
Wasiirka Kaahin ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Dadka nabad galyo darada xun wada ee ka xun taaba galka somaliland iyo nabad galyadeeda ama dadka aan somaliland jeclayni ay soo adeegsanayaan halayska jiro, hadana waxa laynagu war gelinayaa in ayaamahan iyo baryahan dambe ay jiraan dad doonaya inay kharbudaado sameeyaan, dad calamadii soomaali weyn iyo wax la mid ah qaybinaya ayaa laynoo sheegayaa.”
Sidoo kale wasiir Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey dad ay ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen "Qaar booliska ayaa gacanta ku haya, calamada qaarkoodna waa la hayaa, somaliland-na 28 sanadood waxay ka soo dabaalatay dad doonaya inay mijaxaabiyaan jiritaankeeda, maanta oo ay 28 jirsatayna uga baqi mayno turunturo laakiin waxaynu iska ilaalinaynaa dadyowga doonaya inaga oo hore u socona inay ina suldaaraan, arintaas nabad galyadana shacabka ayaan ku baraarujinayaa.”