Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Khilaafka Rooble Iyo Farmaajo

0
Saturday October 02, 2021 - 15:29:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Khilaafka Rooble Iyo Farmaajo

    Hubaal la'aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hubaal la'aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac



Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku booriyay in la xaliyo muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, xooggana la saaro doorashooyinka, iyagoo muujiyay sida ay uga walwalsan yihiin arrimaha aas aasiga ah ee aan wali la xalinin, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inay muddo labo todobaad ay socotay dadaalo dhex dhexaadin ah.


"Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka
Loading...
Loading...