Boqor Maxamed Boqor Ciise oo Farriin Ku Aaddan Xuska 18 May U Diray Shacabka Somaliland

0
Friday May 17, 2019 - 22:43:29 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Maxamed Boqor Ciise oo Farriin Ku Aaddan Xuska 18 May U Diray Shacabka Somaliland

    Sidoo kale, Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu sheegay in Halgan dheer loo soo galay Dhismaha Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu sheegay in Halgan dheer loo soo galay Dhismaha Somaliland,

Hargaysa(HWN):-Boqorka guud ee beesha Arab Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu dhambaal Tahniyadda u diray Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meelkasta oo ay Adduunka ka jooggaan.

 

Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu Illaahay uga baryay in Sanad-guuradda 28aad ee 18 May uu Sanad-guuraddeeda danbe innagu gaadh-siiyo bash bash iyo barwaaqo, waxaannu shacabka reer Somaliland u soo jeeddiyay inay Wada-jirka iyo Midnimaddooda ilaashaddaan.

 

Sidoo kale, Boqor Maxamed Boqor Ciise Haybe waxa uu sheegay in Halgan dheer loo soo galay Dhismaha Somaliland, haddii ay tahay dib u heshiisiin, haddii ay tahay dib u dhis, waxaan qabaa Sanad-guuraddaas 28aad ee maanta loo debaal-degaayo waxay ku fadhidaa tacab iyo caqli badan oo shacabkeeddu gashadday, waxaan leeyahay Xukuumad iyo Shacabba Nabadgelyaddiinna ilaashadda oo idinkoo gacmaha is haysta u dabaal-degga oo shucuurtiinna muujiya, Illaahay sanadka danbenna ha innagu gaadhsiiyo.

 

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland

 

 


Loading...
Loading...