Somaliland oo billowday howl-gal lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda koonfurta

0
Saturday October 02, 2021 - 12:42:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo billowday howl-gal lagu beegsanayo dadka kasoo jeeda koonfurta

    Howlgalkan ayaa yimid kadib markii muddooyinkii dambe ee magaaladaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii muddooyinkii dambe ee magaaladaas




Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Laascaanood waxaa ay ku qabqabteen dadweyne faro badan oo rayid ah.

 

Dadka howlgalka lagu soo qabqabtay ayaa waxaa ay ahaayeen dad ka soo jeeda gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya iyagoo ahaa ganacsato.

 

Somaliland ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan dadkan iyadoo qaar kamid ahna la sii daayay markii su’aalo la weydiiyay.

 

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii muddooyinkii dambe ee magaaladaas ku bateen falalka amni darro, iyadoona halkaas lagu dilay maas’uuliyiin iyo xubno kale oo ay fuliyeen dabley hubeysan.


Loading...
Loading...