Kasbasho Q/1-aad Waa sheeko Qiso Wayn Xambaarsan
Samsam Maalin Maalmaha kamid ah ayey si kedis ah isku barteen Faarax oo hordhaca Sheekada aan 9idiin kugu sheegay.
Barashada Faarax iyo Samsam ayaa ahaa mid aan qorsheysneyn qof walba oo labadooda kamid ah Kuma fikirin in Qofba Qofka kale uu barto kabasii darane waa laba Shaqsi oo afgaaban oo midkoodna dabeecad umalahan in ay afka la galaan qof aysan aqoon.
Maalintaas jawiga wuxuu ahaa mid Qurux badan Abaarihii Casar liiqii Samsam iyo Saaxibo lasocday waxaa ay soo socdeen Meel Faarax iyo Asaxaabtiisa ugu began dhanka Qorrax dhacaSamsam Gabdhihii ay la socotay aad bey ugu tilmaamaneyd, Maxaayeelay Laafyaha iyo Qalabka ay talaabada u qaadeyso ayaa aheyd qaab cajiib ah taas oo keentay in ay noqoto qof si weyn ugu dhexmuuqda afar gabdhood oo la socotay.
Faarax ayaa fadhiyay meel Marin u ah wadada ay kusocdeen Samsam iyo Saaxibadii Socdaalka ku wehlinayay,oo xilligaas ka yimid Magaalada, doonayaana in Xaafadoodii ay gaadhaan.
Jawiga quruxda badan, iftiinka nuurka leh ee indhaha Uroon, ee cadceedda godka sii geleysa iyo hanaan socodka wanaagsan ee Samsam ayaa Nafta Faarax ku kalliftay in uu lahadlo Samsam,laakiin hadalkii ugu horreeyay ee kasoobaxay afka Faarax Samsam ma aysan Maqal, Sababtoo ah Samsam waxa ay dareen gooni ah siineysay Sheekada iyada Saaxibadeed.
Faarax maba oga in uu lahadlay Samsam, Maxaayeelay wuxuu indhaha ku hayay Dhoolo cadeynta quruxda badan ee Samsam, maadaama Sheekooyin u gaar ah ay wateen.
Faarax oo aad moodo in uu aad ugu Maqan yahay aragtida cudoontan quruxda badan ayaa fadhiga kasoo istaagay wuxuuna u soo talaabo qaaday dhinacii gabdhaha, mana u muuqdaan Hablaha kale ee lasocday Samsam.
Samsam waxa ay dhuuxeysa Sheekada Saaxibadeed, kamana warheyso waxa horteeda ka muuqdo, si tartiib ah ayeyna usocdaan lkn waxa marqura ay aragtay Qof hortaagan islamarkaana aan muujineynin wax dhaqdhaqaaq ah.
Lasoco qeybta 2-aad insha allaah.
W/Q/ Ahmed Hassan Ibrahim.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!