Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Ergada Wajiga Duubtay Ee Ka Qayb Galay Doorashada Somaliya

0
Saturday October 02, 2021 - 08:42:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Ergada Wajiga Duubtay Ee Ka Qayb Galay Doorashada Somaliya

    "nimanka wax dhoob dhoobanayee halka fadhiya ayaa magaceena mar marinaya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"nimanka wax dhoob dhoobanayee halka fadhiya ayaa magaceena mar marinaya"

Hargeysa (HWN)  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay og-tahay ergadii wajiga duubtay ee ka qayb galay doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, isla markaana, talaabo laga qaadi doono.



Saylici ayaa sheegay in xildhibaannada la doortay ee dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay Somaliland matalaan, aanay Somaliland matalin, isla markaana, aanay xukuumadda Somaliland aqbali doonin.


Madaxweyne xigeenka mudane Cabdiraxmaan Saylici isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Reer Soomaaliya waxan leeyahay, waxan aad meesha yar ee halka kiilo mitir ee ajaanibku ilaalinayo, ku wal walaaqaysaan, kama aqbalayno, inamana qabato in 20 inan oo qarankan ka falaagoobay la yidhaa way ina matalayaan, inamana ma talaan, lakiin, nimanka wax dhoob dhoobanayee halka fadhiya ayaa magaceena mar marinaya”


Saylici ayaa intaa raaciyay in xuukamada Somaliland ay ka xun tahay, in Qaramada Midoobay ay goob joog ka tahay doorashadaa isla markaana, aanay waxba ka odhan, isagoo sheegay in Somaliland ay og-tahay ergada wajiga qarsatay, isla markaana, la xidh xidhi doono markay Somaliland ku soo noqdaan.”Waxan, laakiinse, aad uga xunahay in Jimciyadii Quruumaha ka dhaxaysay ay markhaati ka noqoto, oo ay aaminto in 20 iyo 30 qof oo qarankan falaago ka ah in ay u aragto in ay na matalaan.


Soomaalidu waxa ay tidhaaha dawladdi indho Qudhaanjo ayay leedahay kuwa indhaha Qarsanayay waa kuwa Somaliland ka tagayo, berrina rabba inay soo noqdaan, waa danbiilayaal kuwaasi, waana danbiilayaal Qaran, berri yaan la arkin cid reer Somaliland u qaylinaysa ninka danbiilaha ah ee halkaasi ka tagay, ee Qaran ayaynaan ka mid ahayn wax la soo dhisay, marka la xidho yaan la arkin reer Somaliland-now ama reer Burha noqoto, ama Berbera, ama Boorama, ama reer Laascaanood ha noqote kuwa u qaylinaya oo leh maxaa qofkayaga loo xidhay”

Loading...
Loading...