Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Baadhitaanka Covid-19 Uu Yahay Bilaash

0
Saturday October 02, 2021 - 08:35:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Sheegtay In Baadhitaanka Covid-19 Uu Yahay Bilaash

    "boqolka qof ee dhoofaya maahe saddexda boqol ee kaleba waa bilaash"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"boqolka qof ee dhoofaya maahe saddexda boqol ee kaleba waa bilaash"

Hargeysa (HWN) Xannuunka Covid-19 mawjadiisa saddexaad ayaa saameyn ku yeeshay gudaha dalka Somaliland, waxaanay tiro badan oo dad ahi hadda bukaan jiif la yihiin Covid-19, halka kuwa kalena ay u geeriyoodeen.



Agaasimaha guud ee wasaaradda  horumarinta caadimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeerye, ayaa sheegay in baadhitaanka xannuunka safmarka ah ee Covid-19 uu bilaash yahay.


Dr. Xerrgeeye waxaa uu xusay in maalintii 400 oo qof la baadho, saddex boqol lacag la’aan lagu baadho, 100-ka dhoofaye mooyaane.


Dr. Xerrgeeye oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi."Dhammaan baadhitaanka aanu sameyno ee xannuunka safmarka ah ee Covid-19 waa lacag la’aan, shilin lagaama qaadayo, maalintii waxa la baadha 400 oo qof, boqolka qof ee dhoofaya maahe saddexda boqol ee kaleba waa bilaash, ciddina lacag ma weydiiso, arrintaasina waa mida aanu doonayno in dadku ogaadaan.


Baadhitaanka xannuunka halista badan ee Covid-19, waa lacag la’aan, qofkii dhoofaya ee diyaarad raacaya, waxa uu u baahan yahay waraaq caddeyn ah oo u uku raaco, lacagba laga qaadaya”

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xerrgeeye ayaa ayaa Meesha ka saaray wararka sheegaya in dadka, iska baadhaya xannuunka safmarka ah ee Covid-19 lacag laga qaado.

Loading...
Loading...