Faysal Oo Sheegay In Haddii Aan Wax Laga Qabanin Ay Dilalka Ka Dhaca Sool Ay Dalka Intiisa Kale Ku Baahi Karaan

0
Friday October 01, 2021 - 09:22:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faysal Oo Sheegay In Haddii Aan Wax Laga Qabanin Ay Dilalka Ka Dhaca Sool Ay Dalka Intiisa Kale Ku Baahi Karaan

    "taasi waxay ku tasayaa in Shacabkeenii niyad jab ku dhacay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"taasi waxay ku tasayaa in Shacabkeenii niyad jab ku dhacay"

Hargeysa (HWN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay xaaladdu dalku marayo, waxaanu ku baaqay in laga xun yahay Doorashooyinka Somaliland ka qabsoomay, isla-markaana laga shaqaynayo sidii aanay dalka uga dhici lahayn Doorashada Madaxtooyada, waxaanu ku taliyey in laga feejignaado wax kasta oo nabadgalyada dalka wax lagu yeelayo.

 

 Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, wuxuu sidoo kale Dawladda ugu baaqay inay ilaaliso rejada Shacabka, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Doorashooyinka Somaliya "Waxaa Muqdisho ka socda waad aragtaan Doorashadii aqalka sare,ee Somaliland ayaa ka socota, yaa dooranaya, Salaadiin aynaan garanayn ayaa dooranaya,halkee ayaa lagu dooranaya Xamar, aqalka kale ee sare ee Somaliya waxaa lagu doortaa Degmooyinka, imika waxaa inaga firfircoon kuwii Xamar tagay, bariigii hore waa la iska tagi jiray, la isma ogaan jirin, waxaan maqlay Ardaa Ciidagalo ah oo lahaa waa nala dhacay cadaalad baanu u baahan nahay, Farmaajo waa nala dhacay, waa lagu tartamayaa, taasi waxay ku tasayaa in Shacabkeenii niyad jab ku dhacay, Shacabkeena niyad jabka ha laga daayo oo Dawladdu rajo ha u abuurto, rajo ayey dadku ku nool yahay”.

 

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka Somaliland wuxuu yidhi "Jaanis fiican baynu haysanaa, Doorashadaasi magac bay noo soo jeeday, magacii baa lala dagaalamaya, in tu kale oo wanaagsan oo Madaxweyne  inoo dhacda in aanay inoo iman ayey laga shaqeeynayaa”

 

Mar uu ka hadlaayey Nabadgalyada wuxuu yidhi "Laascanood dadkii baa la laynayaa may dhici jirin,  haddii aanay Laascanood nabad ahayn Somaliland ma nabad bay noqonaysaa, maalin dhawaydna waa tii Xudun lagu dilay Sarkaal, way soo durkaysaa ee waa inaynu muhiimada siina nabadda”.


Loading...
Loading...