Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Weerarkii Suldaan Habaar Ku Dhaawacay Xildhibaan Guruuje

0
Thursday September 30, 2021 - 13:23:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Weerarkii Suldaan Habaar Ku Dhaawacay Xildhibaan Guruuje

    " Waxaa Nasiib Darro Ah in ilaa hadda aan wax talaabo ah laga qaadin cidii dambiga gaysatay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Waxaa Nasiib Darro Ah in ilaa hadda aan wax talaabo ah laga qaadin cidii dambiga gaysatay"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa ka hadlay weerarkii uu shalay Suldaan habaar ku dhaawacay Xildhiban Guruuje oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.



Xoghayaha ayaa sheegay in Suldaan Habaar uu ka tirsanyahay xisbiga Kulmiye, sidaa daraadeedna ayna xukuumadu doonayn inay soo xidho.


" Shalay Qaranka JSL waxa soo gaadhay dhaawac weyn, Xildhibaan Guruuje waa xildhibaan huwan astaantii Qaranka oo ummadi soo dooratay, waxaana shalay gacan saaray xubin ka mid ah taageerayaasha Kulmiye ee waliba sida gaarka ah ugu dhaw ee sida gaarka ah indho la’aanta ugu difaaca Madaxweynaha ee sida gaarka ah indho la’aanta ugu difaaca Kulmiye iyo xukuumaddiisa, Waxaa nasiib darro ah in aan dhaawaca xubinta Kulmiye ka tirsan maalinta cad gaystay aan ilaa hadda wax tallaabo ah laga qaadin waxaanay tusaysa in aan caddaaladda loo sinayn, ” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Faarax Cabdi.

Loading...
Loading...