Cristiano Ronaldo Oo Markale Guul Muhiim Ah Ku Hoggaamiyay Kooxdiisa Manchester United

0
Thursday September 30, 2021 - 09:14:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Markale Guul Muhiim Ah Ku Hoggaamiyay Kooxdiisa Manchester United

    "Marka uu garoonka kuugu jiro Cristiano, waxaad heleysaa fursad,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka uu garoonka kuugu jiro Cristiano, waxaad heleysaa fursad," Kooxda Manchester ayaa 2-1 uga adkaatay kooxda Villarreal Arbacadii garoonka Old Trafford, kaddib markii weeraryahankeeda halista ah Cristiano Ronaldo uu u dhaliyay goolka guusha daqiiqaddii 95-aad ee wakhtiga dheeriga ahaa ee ciyaartan oo ka tirsaneyd qeybta F ee koobka Champions League.


36-jirkan reer Portugal ayaa sidoo kale  xalay sameeyay taariikh, kaddib markii uu noqday ciyaaryahanka ugu safashada badan koobkan Champions League, maadaama uu ciyaaray 178 kulan, waxaana uu xalay Manchester United iyo tababaraheeda Ole Gunner Solkjaer ka badbaadiyay natiijo kale oo niyad jab ah.



"Marka uu garoonka kuugu jiro Cristiano, waxaad heleysaa fursad,” ayuu yiri tababaraha u dhashay waddanka Norway, isagoo intaas raaciyay "Dhab ahaantii, aad ayuu ugu fiican yahay shabaqa hortiisa. Waxay aheyd natiijo weyn oo kooxda iyo niyaddeedaba ah"


Villarreal ayaa gooldhalinta ku hormartay, waxaana daqiiqadii 53-aad u dhaliyay laacibkooda Paco Alcacer, hase yeeshe kubad cajiib aheyd waxaa ku bar-barreeyay Alex Telles, iyada oo Old Trafford ay isqabsadeen saxwaxan iyo farxad markii Ronald uu dhaliyay goolka guusha.


Kooxda Atlanta oo 1-0 uga soo badisay kooxa Young Boys ayaa hoggaamineysa qeybtan F, iyadoo leh afar dhibcood, halka Manchester iyo Young Boys ay wada leeeyihiin min saddex dhibic, iyadoo kooxda ugu hooseysa ee Villarreal ay leedahay hal dhibic.


VOA
Loading...
Loading...