Sen. Abdi Xaashi oo si fudud ku noqon kara Gudoomiyaha aqalka sare

0
Thursday September 30, 2021 - 09:04:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sen. Abdi Xaashi oo si fudud ku noqon kara Gudoomiyaha aqalka sare

    Codadka aan kor ku sheegay wax waa iska badali karaan, lakiin 90% waa hubaal inuu helayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Codadka aan kor ku sheegay wax waa iska badali karaan, lakiin 90% waa hubaal inuu helayo
Soo noqoshada xubinta aqalka sare ee Sen. Cabdi Xaashi waxay astaan u tahay inuu si fudud ku hanto Gudoomiyenimada Aqalka sare. Gudoomiyaha ayaa waxaa si weyn u wata kooxaha mucaaradka iyo maamulada qaar, waxaa kale oo codad fiican ka helayaa qaybta reer Soomaaliland oo uu in badan u doodayey xuquuqdooda. Waxaa kale oo cad inuusan jirin Senator kula tartama xilka oo heli kara wareega koowaad codad wanaagsan, hadiiba uusanba soo bixin wareega kowaad.


Sabaha soo socda awgood:

1. Cododka 11 ee Puntlnad oo dhankiisa aadaya

2. Codadka 8 ee Jubaland oo dhankiisa aadaya

3. Muuse Suudi, Prof. Dufle, iyo Prof. Abdi Ismaciil oo xaqiiq tahay inay isaga dooranayaan.

Codadka aan kor ku sheegay wax waa iska badali karaan, lakiin 90% waa hubaal inuu helayo codadkaas 22 ah. Codaka kale waa suurtagal inuu ka helo qayb fiican, kaliya waxaan xusay codadka ay u badan tahay inuu helo wareega koowaad iyo meelaha ay ka imanayaan.

Maamulada Puntland iyo Jubaland maahan kuwo khamaar ku galaya qof cusub oo aysan aqoon isu lahayn inuu kursiga ku soo baxo, labada maamulna waxay heshiis ka yihiin siyaasada guud ee dalka iyo doorashada cida la taageerayo.

Labada maamul waxay in badan fagaarayaasha uga doodeen qadiyada kooxda Cabdi Xaashi watay iyagoo mar walba garab sinayey kooxda Gud. Cabdi Xaashi, waxayana sabab u ahaayeen labada maamul iyo mucaaradkuba inuu soo gaaro meeshaan.

RW-ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa dhankiisa raali ka noqonayn inuu kursiga aqalka sare ku soo baxo qof ka socda beesha ay saami wadaaga yihiin ee Garxajis, taas oo uu ku ilaashanayo kurigiisa RW kuxigeenimo marlabaad oo rajo ka qabo, waxaa arinkaan saacidaynayaa inuu qof aan Gar-Xajis ahayn soo baxo.

Madaama Soomaaliland kursigaan laga leeyahay ma jiraan loolan adag oo kooxaha siyaasadu ku bixinayaan qofaan Cabdi Xaashi ahayn. Sidaas oo kale musharaxiinta la tartami doonta ayaa adkaanaysaa inay cod ahaan ku soo dhawaadaan wareega koowaad, sababtoo ah waxay noqon doonaan musharaxiintu ugu yaraan 3-5 musharax oo ay qabysamayaan codadkoodu.

Abdi Xaashi inkasta oo dagaal adag ay dhex mareen isaga iyo Madaxtooyadu, hadana wali waa nin qadarin badan u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana u badan tahay in marlabaad loo cumaamado xilka gudoonka Aqalka Sare hadiiba uu marlbaad go’aansado inuu u tartamo.

MAxamed Cabdiqaadir Silver
Loading...
Loading...