Kacaankii warshadaha ee labaad (second industrial revolution.) 1870- 1914

0
Thursday September 30, 2021 - 09:01:31 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacaankii warshadaha ee labaad (second industrial revolution.) 1870- 1914

    1885kii dabdhaliyihii uugu horeeyey wuxuu fududeeyay in korontada masaafooyin dhaadheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1885kii dabdhaliyihii uugu horeeyey wuxuu fududeeyay in korontada masaafooyin dhaadheer



Qormooyinkii hore waxaynu kaga hadalnay kacaankii warshadaha ee koowaad iyo qaybihiisii, kana waxaynu kaga hadlidoonna kacaankii warshadaha ee 2aad.

Tiknoolajiyaddu dunida waxay u badashay siyaalo kala duwan. Se majiro xilli ka wax soosaar badnaa kacaankii labaad ee warshadaha. Lagasoo bilaabo dabyaaqadii qarnigii qarnigii 19aad ilaa horraantii qarnigii 20aad, magaalooyinku way is badaleen, noloshii dadkuna si dhakhso leh ayey isu badashay.

Hadii kacaankii 1aad ee warshaduhu Ingiriiska ka bilaabmay, kacaankii labaadna maraykanka ayuu ka curtay dabyaaqadii qarnigii 19aad; kadib dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee maraykanka.

Gu'gii 1833 ayuu William whewell ereybixiyay ereybixinta "Saynisyahan."(scientist).

Kahor ikhtiraaci korontada shumaca & faynuuska ayaa loo isticmaali jiray in lagu ifiyo guryaha iyo warshadaha, tamar ahaanna warshaduhu waxay adeegsan jireen injiin uumi.

1885kii dabdhaliyihii uugu horeeyey wuxuu fududeeyay in korontada masaafooyin dhaadheer loo gudbinkaro. Waxayna aheyd waxqabadkii farsamo ee uugu waxtarkarkaa badnaa qarnigii 20aad.

Korontadii waxa loo adeegsaday warshadaha, hareeraha waddooyinka.

Farsamadii korontadu waxay horseeday ikhtiraacyo badan sida: 1876 bell graham ayaa ikhtiraacay tilifoonkii uugu horeeyay. 1879 Thomas Edison ayaa farsameeyay nalkii uugu horeeyay. 1888 Nikola Tesla ayaa farsameeyay hab-qulqul danabeedkii ( A.c) uugu horeeyay.

1901 Marconi ayaa ka dhex diray Badda atlaantica hirar raadyoogii uugu horeeyay.

Horumarkii degdega ahaa ee laga gaadhay farsamadii: xadiidka,korontada,kiimikada waxay fududaysay soosaaristii shiidaalka.

Korodhkii kacaanka warshadaha waxa garabsocday abuuranka dabaqad sarre oo hantiilayaal ah.

Xadiidu waxay si qunyar qunyar ah u badashay birta,waxaana loo adeegsaday: mashiinka warshadaha,dhabbaha tareenka,maraakiibta; daaraha dhaadheer,iyo biriijyo waaweyn.

Sir Henry bessemer ayaa gu'gii 1856 farsameeyay hab cusub oo xadiida loo sameeyo, taaso xadiidka ka dhigtay in si fudud loo qalloocin Karo, qiimo jabanna lagusoo saaro.

Sameyntii dhabbaha tareenku waxay doorweyn ka qaadatay kobocii dhaqaale. Horraantii qarnigii 20aad jidadka tareenku waxay si weyn u qeexeen, macnaha isusocodka iyo gaadiidka.

Farqigii uugu weynaa ee u dhaxeeyay kacaankii warshadaha ee koowaad iyo kii labaad,waa in ka labaad la arkay waxsoosaar badan oo la warshadeeyay, iyo macaamiil waxsoosaarka gadata.

Badhtamihii qarnigii 19aad ceel shiidaalkii uugu horeeyay ayaa maraykanka laga qoday. Lana soosaaray saliida qaydhin, ibafurna u aheyd shiidaal cusub.

Hal-abuurkii uugu fogaa uguna waxtarka badnaa ee qarnigii tagay la curiyay, wuxuu ahaa injiin gubasho gudeedka, Kaaso diyaaraduhu isticmaali jireen.

1885 Karl Benz ayaa farsameeyay gaadiidkii uugu horeeyay, kaaso ku shaqeyn jiray injiin gubasho gudeedka.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...