Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Walaashii Oo Soo Dirtay Farriin Lama Filaan Ah

0
Thursday September 30, 2021 - 08:48:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Walaashii Oo Soo Dirtay Farriin Lama Filaan Ah

    "Waxa u baahan in la joojiyo waa hab dhaqanka laba dhinaclaha ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa u baahan in la joojiyo waa hab dhaqanka laba dhinaclaha ah" Gabadha saameynta badan leh ee la dhalatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegtay in dalkeeda uu daneynayo inuu dib u furo wadahadalladii uu la lahaa Kuuriyada Koonfureed haddii waddankaas uu joojiyo "siyaasadda cadaawadda ah".


Kim Yo-jong ayaa ka jawaabeysay baaq la cusbooneysiiyay oo uga yimid dowladda Kuuriyada Koonfureed, taasoo dalbatay in si rasmi ah loogu dhawaaqo soo afjaridda Dagaalka Labada Kuuriya.



Isku dhaca waddamadan, oo labo loogu kala gooyay gacanka Kuuriya, ayaa istaagay sanadkii 1953-kii kaddib markii la galay xabad joojin ku meel gaar ah, balse laguma joojinin heshiis nabadeed.


Tan iyo xilligaas labada Kuuriya ayaa dhanka farsamo ahaanta ugu jiray dagaal, mararka qaarna waxaa meel xun gaarayay xiriirka u dhaxeeya.


Isbuucii lasoo dhaafay, madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa ku baaqay in labada Kuuriya iyo xulafadooda - oo kala ah Mareykanka oo taageera Koonfurta iyo Shiinaha oo taageera Waqooyiga - ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan soo afjaridda dagaalka ayna sameeyaan heshiis nabadeed oo ka dhaca gacanka.


Fikraddan markii hore waxaa ku gacan seyray wasiir xubin sare ka ah dowladda Kuuriyada Waqooyi, kaasoo ku tilmaamay mid "gacan ku rimis ah".


Balse farriin lama filaan ah oo Jimcadii ay warbaahinta soo marisay Ms Kim ayay ku sheegtay in fikraddaas ay tahay "mid la jecleysan karo".


Hase yeeshee, waxa ay intaas ku dartay in dowladda Waqooyiga ay diyaar u tahay inay wadaxaajood ka gasho arrinta lasoo jeediyay kaliya haddii la fuliyo shuruud ay ku xireen Koonfurta oo ah haddii ay joojiyaan waxa ay ugu yeertay "siyaasadda cadaawadda ah" ee ku wajahan Waqooyiga.


"Waxa u baahan in la joojiyo waa hab dhaqanka laba dhinaclaha ah, dabeecadda xun iyo cadaawadda taagan ee ay marmarsiiyada uga dhigayaan ficillada ay iyagu sameeyeen halka annaga xuquuqdeennana ay ku tilmaamayaan isdifaacid," ayay ku tiri farriinteeda oo lagu shaaciyay bayaan.


"Markii shuruudahaas la fuliyo oo kaliya ayay suuragal noqon kartaa in si fool ka fool ah loo fariisto looguna dhawaaqo joojinta rasmiga ah ee dagaalka."


BBC
Loading...
Loading...