Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Sheegay In Nidaam Sharci Lagu Dhamayndoono Falka Lagu Dhaawacay Xildh. Guruuje
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha
golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa gurigiisa ku booqday
Xildhibaan Guruuje oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada, kaas oo uu
dhaawac soo gaadhsiiyey Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan.
Gudoomiyaha ayaa
xildhibaanka ka waraystay sida ay wax u dhaceen, iyo halka uu salka ku hayo
khilaafka kala dhexeeya isaga iyo suldaanka.
Gudoomiyaha ayaa balanqaaday in ka gole ahaan ay sharciga iyo nidaamka dawladnimo ay ku dhamayn doonaan khilaafkan sababay dhaawac xildhibaanka.
Falkan uu Suldaanku ku dhaawacay Xidhibaan Guruuje ayaa noqonaya fal ugub ku ah bahda dhaqanka, oo caan ku ahaa nabadaynta iyo daminta shaqaaqooyinka, balse Falkan Suldaan Saleebaan ayaa warab ku noqonaya shaqada Salaadiinta Somaliland