Cabdi Xaashi, Cabdi Ismaaciil Iyo Xubno Kale Oo Loo Doortay Aqalka Sare

0
Wednesday September 29, 2021 - 15:46:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Xaashi, Cabdi Ismaaciil Iyo Xubno Kale Oo Loo Doortay Aqalka Sare

    Cabdi Xaashi, Cabdi Ismaaciil Iyo Xubno Kale Oo Loo Doortay Aqalka Sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Xaashi, Cabdi Ismaaciil Iyo Xubno Kale Oo Loo Doortay Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa noqday Senator-kii ugu horreeyayay ee Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi, kaddib markii uu u tanaasulay musharraxii la tartamayay oo ahaa Siciid Cumar Xuseen.

 

Guddoomiyaha guddiga doorashada gobollada Waqooyi Khadar Xariir Xuseen ayaa ergada u gudbiyay inay si gaca ntaag ah ugu codeeyaan, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaana ansixiyay 44, halka laba ka mid ah ka aamuseen, waxaana natiijadani ka dhigantahay in mar kale dib loo doortay Cabdi Xaashi oo afartii sano ee la soo dhaafa ahaa gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale, Wasiirka Dastuurka Soomalaiya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku guuleystay Kursiga 2-aad, isaga oo helay 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare eee Soomaaliya Ibrahim Iidle Suleymaan oo la tartamay uu helay 12 cod.

 

Dhinaca kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga saddexaad, isaga oo ka guuleystay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali oo la tartamay.

 

Cabdiraxmaan Cismaan Cali ayaa ku haray wareegga koowaad, waxaana Wareega labaad isugu haray Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, ayada Prof Samatar uu ku guuleystay 25 cod, halka Allabari uu helay 21 Cod.

 

Xarunta Afisyooni oo ay doorashadan ay ka dhexeyso waxaa ammaankeeda sugaya ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana goobjoog ka ah saraakiil ka socota xaafiiska Ra'isul Wasaaraha, guddiga doorashada heer Federaal iyo kuwa beesha Caalamka oo uu horkacayo Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobe arrimaha Somalia James Swan.


Loading...
Loading...