Caqabadda waaweyn ee ku gudban cagaarinta Afrika
Xaalufinta dhirta ayaa dhibaato weyn ku ah Afrika iyo meelo kale laakiin dadaallada yaryar sida kan ka socda waqooyiga Cameroon ayaa sameyn kara isbeddel aad u weyn.
Laga soo bilaabo 2014 xerada Minawao oo martigalisa ku dhawaad 70,000 oo qaxooti ah oo ka soo cararay rabshadaha ka socda wadanka dariska la ah ee Nigeria.
Sannadkii 2018, UNHCR iyo Lutheran World Federation (LWF) waxay bilaabeen barnaamij loogu talagalay in lagula dagaallamo xaalufinta dhirta.
Sida laga soo xigtay Lydia Yacoubou, oo ah qaxooti reer Nigeria ah oo ka shaqeeysa xannaanada geedaha, "Minawao waxay noqotay meel cagaar ah oo barwaaqo ah. Faa’iidooyin badan ayaa ku jira taas. Waxaan ka hadhsanaa qorraxda, ciidda ayaa hagaagtay oo dhirtu way soo jiidataa biyaha ".
Qaxootiga waxaa la baray farsamooyin ka caawiya geedo beerista si ay ugu noolaadaan xaalad wanaagsan.
Kaamku wuxuu kaloo dhiirrigeliyaa adeegsiga ilo tamar oo kale oo degaanka wax u taraya.
Aqoon-is-weydaarsi yar, ayaa qaxootiga ka tababaraya sida qashinka guriga loogu rogi karo jajabyo yaryar oo u fiican deegaanka
"Kuma koobnayn oo keliya ficilladeenna ku aaddan dhiraynta iyo wacyi-gelinta. Waxaan sidoo kale ka adkaanaynaa caqabadaha sida jarista dhirta. Waxaannu la samaynay Istaraatiijiyad UNHCR si kor loogu qaado ilaha tamarta ee kale sida isticmaalka burjikooyinka degaanka saaxiibka la ah”, ayuu yidhi Cabdul Casiis, oo ah Isuduwaha mashruuca LWF.
Barnaamijkani wuxuu qayb ka yahay mashruuc weyn oo ujeedadiisu tahay in lagu dhireeyo 8,000-kiilomitir oo ah dhirayn qaaradda oo dhan si loo joojiyo xaalufka ka socda Saaxil.