Lionel Messi Oo PSG U Dhaliyay Goolkiisii Ugu Horreeyay
Lionel Messi ayaa si qurux badan waxa uu goolkiisii ugu horreeyay ugu dhaliyay kooxda Paris St-Germain xilli ay kooxda Manchester City ku garaaceen ciyaar ka tirsanayd koobka Champions League-ga.
Messi, oo kulankii afraad u dheelay kooxda PSG tan iyo markii uu isaga soo tagay kooxda Barcelona, ayaa kubadda ka jiiday Khadka dhexe iyadoo ay isku dhufsadeen ciyaaryahan Kylian Mbappe, markaas oo goolhaye Ederson uu haleeli waayay dhinac uu goolka ka celiyo, sidaasna uu Messi si cajiib ah shabaqa kubadda u cuksiiyay.
Ciyaaryahankan ayaa goolka kaliya ee illaa hadda uu u dhaliyay kooxda PSG waxa uu ku sii kordhiyay 672-kii gool ee uu hore ugu soo dhaliyay kooxda Barcelona.
Idrissa Gueye ayaa goolka koobaad u dhaliyay kooxda ka dhisan waddanka Faransiiska, goolkaas oo uu si qurux badan saddex xagalka uga dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.
Kooxda Manchester City ayaa abuurtay fursado badan oo ay goolal badan ku dhalin kartay oo kubad uu madaxa la helay Raheem Sternling ayaa birta ku dhacday kaddibna Bernardo Silva ayaa tiirka goolka ku garaacay xilli gooshuna aanay cidina ku jirin.
Todoba jeer ayuuna goolhaye Gianluigi Donnarumma ka hor istaagay kooxda Manchester City inay gool ka dhaliyaan, ciyaartaas oo u aheyd middii ugu horraysay ee PSG ugu safto Champions League-ga.
Wajiga labaad ee ciyaaraha ee Messi oo bilaabmay
Saddexdii ciyaar ee hore ee uu Messi u saftay kooxda PSG ayaanay u suuragelin inuu wacdaro dhigo, oo wax gool ah muusan dhalin mana baasin.
Hasayeeshee xalay habeenkiisa ayey aheyd markaas oo wax walba ay isbadaleen, oo kubad uu Mbappe ciribta ugu dhigay ayuu Messi si qurux badan u dabamariyay goolhaye Ederson.
Waa goolkii todobaad ee uu ku dhaliyo shan kulan oo Champions League ah uu kaga hortagay koox uu maamulo Pep Guardiola - tababarihiisii hore ee Barcelona - waxa uuna sidoo kale ahaa goolkii todobaad ee uu ka dhaliyo kooxda Manchester City.
Fursadda kaliya ee uu goolka Messi ku helay waxa ay aheyd goolka uu dhaliyay - hasayeeshee habeen ay kooxda Man City ku qasabtay kooxda PSG inay howl adag qabato, ayaa ruugcaddaagan qeybtiisa ka ciyaaray.
Ku dhawaad saddex meelood oo meel kubadaha uu taabtay qeybta kooxdiisa ayuu ku dheelay, oo ay ku jirtay mar uu Riyad Mahrez ku lagday meel aan sidaas goosha kooxdiisa uga fogayn.
Kooxda PSG oo ku guulaysatay dhammaan ciyaaraha tartanka Ligue 1-ka ee horyaalka Faransiiska ayaa haatan ah koox ka duwan middii laba kulan ay Man City ka adkaatay nus dhammaadka tartankii sanadkii hore
BBC