Musuq Maasuq La Sheegay In Uu Ka Jiro Cisbitaalka Wayn Ee Hargaysa Oo Loo Gudbiyay Golaha Wakiilada
Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Bulshada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay in guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee Golaha Wakiilada ay ugudbiyeen Musuq maasuq ay sheegeen in uu ka jiro cisbitaalka guud ee hargaysa, qaybta mishiinada lagu baadho Covid-19.
Waxaanu qoraal uu baahiyay xoghayuhu uu uqornaa sidan:- "Waxaanu maanta kulan muhiim ah xafiiskooda kula qaadannay guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee Golaha Wakiilada, waxaanu gaadhsiinay Xogo iyo Ducments muhiim ah oo ku saabsan Musuqa lacagta baadhista COVID-19 iyo masuuliyad darrada Wasaarada Caafimaadka, Lacagta 200 SHSL oo kiilo kasta u saareen qaadlayashu dadka dhimirka qaba, sababta mishiinnada cusub Imaardku innagu caawayay ee kelyaha looga shaqaysiin waayay, shaqaalaha caafimaadka ee aan musharka qaadan, qandaraasyada dadka gaarka ah sifaha sharci darrada ah lagu siiyay ee Cusbitaalka guud. waxaan rajaynayaa in maamulka Wasaaradda lasoo golo joojiyo ,”