Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Canbaaraysay Xadhiga Siyaasiyiinta Iyo Weriyaha Xidhan.

0
Monday September 27, 2021 - 09:28:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Canbaaraysay Xadhiga Siyaasiyiinta Iyo Weriyaha Xidhan.

    Warsaxafadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxafadeed

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysaa inay siidayso siyaasiyiinta iyo wariyaha xidhan.

 

Waxa 28/08/2021, laxidhay Xoghaye ku Xigeenki Warfaafinta Xisbiga UCID ee Gobolka Awdal, Saleebaan Cawaale Good, kasoo laxidhay kadib marki uu warbaahinta dhaliil u mariyey Badhasaabka Gobolka Awdal.

 

 9/09/2021, ayaa xoghaye kuxigeenka Maxkamadda lakeenay waxaana loo jaray 45 cisho oo xabsi ku hayn ah. waxaanu  hada kuxidhan yahay xabsiga weyn ee Boorama.

 

 Waxa sidoo kale  16/09/2021, laxidhay Gudoomiye ku xigeenki Gobolka Moroodijeex ee Xisbiga Wadani, Wali Cabdi  Jaamac, kadib markii uu warbaahinta ka dhaliilay madax waynaha Jamuuriyadda Somaliland, Muddane Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhanka kale waxa 23/09/2021, laxidhay Maxamed Cabdi Cumar, oo ku magacdheer (Wadiil) kasoo ah wariye ka howlgala -SBC TV. Xadhiga wariyahani waxa uu yimid kadib markii uu warbixin ka diyaariyay Laydhka cusbitaalka degmadda Kalabaydh oo cabasho ka jirtay.

 

Xaruntu waxay aad uga walaacsantahay, xadhiga macnodarada ah ee siibadanaya.

 

Xadhiga siyaasiyiinta iyo wariyuhu waxa uu siweyn uga hor imanaya mabaadiida Dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka.

 

Dastuurka Somaliland Qodobka 25 (1) waxa uu dhigayaa "Qofna xoriyadisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn”

 

Sidoo kale Qodobka 32 (1) waxa ku cad oo uu leeyahay "Muwaadin kasta waxa u xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaabkale.

 

Xaruntu waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badanle usiidayso siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo wariyaha xidhan, isla markana dhowrto oo ixtiraamto sharciga iyo Dastuurka dalka.

 

 

 

 

 

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka,

 

Hargeysa Somaliland

[email protected]

Twitter: @hrcsomaliland


Loading...
Loading...