Waddo Lagu Ba'ay

0
Monday September 27, 2021 - 09:28:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 828
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddo Lagu Ba'ay

    soo biiray, kii labaadna gabar. Barwaaqada ay ku noolaayeen ayaana ehelkoodu ku dhaashan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

soo biiray, kii labaadna gabar. Barwaaqada ay ku noolaayeen ayaana ehelkoodu ku dhaashan


Xaawo waa gabar 15 jir ah oo Alle nimcadiisa quruxda ku manaystay. Waxa ay ka dhalatay reer duruufuhu ciileen oo sabool ah. Aabbaheed waa imaamka masaajidka xaafadda, hooya-deedna meel guriga hortiisa ah bay dukaan aan dadku u badneyn ku leedahay, walaalna wiil ka wayn oo ma shaqeyste ah ayaa la dhashay.
Xaawo marka dugsiga dhexe ka qalin baddalan lahayd, oo sida caadiga ah la rabay in ay u wareegto heerka dugsiga sare, oo waliba iskuulkaasi kafaalo qaaday wax-barashadeeda, maadaama ay dhibco aad u sareeya keentay; ayaa wiil ay waalidkeedu badbaadiye u arkeen, oo Xaawo 5 sano ka waynaa, ku dareen.
Wuu guursaday oo sida ugu wanaagsan ee xaas loo dhaqdo u dhaqday, jaceyl guur ka dib buu ku macaan yahee! Adduunkii baa jaceyl owgii la iskala baxay! Allana waa isku barakeeyoo sanadii koowaadba wiil ayaa soo biiray, kii labaadna gabar. Barwaaqada ay ku noolaayeen ayaana ehelkoodu ku dhaashan jireen. Haddii aan xaalkooda buun-buuniyana waa reer wanaag iyo barako soo weerartay, oo go’doon galisay.
Balse inta la cusub yahay ama lays jecel yahay layskuma degdego, oo inta indhaha la iska eego, oo afka laysku macaaniyo ayaa naxariista jacayl owgeed laabta la salaaxdaa! Hadhow se baa dacarta dhabta ah soo butaacdaa. Marka heerkaan la joogo ayaana lammaanuhu labo mid la gudboonaataa, kow in la iska indho tiro xumaanta soo biirta oo la isku dulqaato iyo in guriga la soo gabo-gabeeyo.
Xaawo marka ninkeedi Aadan bilaabay habeen soo daahid iyo banaan ku daahis, mudo badana u dulqaadatay, ayaa shakigii caanka ahaa albaabka Xaawo ku garaacay! Habayn ayayna inta dhexda soo xiratay, waydiisay waxa sababay isba-ddalka soo kordhay.
Aadan oo aad moodo in run sheegista habeenkaas ugu horayso, ayaa sidii in uu rabay inay waydiiso su’aashaas, waji indho adag ugu sheegay in uu daroogayste yahay, oo maandooriyaha noocba nooca uu ka liito quuto, guriga saaxiibkii Sugulena ku isticmaalo, isagana ku baaqdo habee-nada uu iska badiyo.
Saddex bilood ayaa ka soo wareegtay wada hadalkaas ay dooda aan wax xal ah ka soo bixin ka dhalatay. Haddii xaalkuna ahaa; Xaawo oo ku maqan shoog iyo naxdin baaxad weyn, oo aan wajiga seygeeda eegi karin iyo Aadankii oo howshiisi sii wata; ayaa Xaawo waxay maalin go’aansatay, haddii ay dhab tahay oo uu ninkeedu daroogo isticmaalo, in arrinkaan ka sal gaarto. Shakigaas ah in mid kale u qarsoon tahay, ee maalinba maalinta ka danbeysa sii xooggay-sanayana, ay xal waara u hesho.
Waxa uuna ahaa go’aankaas; in ay ninkeeda u fasaxdo in uu qashinkiisa guriga ku isticmaalo, haddii uu doodanana saaxiib ku sheegu soo raaco.
Go’aansataye aroor uu ka soo laabtay sida uu ka dhawaajiyay guriga saaxiibkii Sugule, ayay u soo bandhigtay go’aanka ay gaartay, wayna u sababaysay oo waxay u sheegtay, in inta uu carruurtiisa iyo guriga ka maqnaan lahaa, uu waxa uu rabo guriga dhexdiisa ku quuto! Haddee isna culays kalaa ka dagee "Abshir” iyo "Waa xal soo raagay” ayuu yiri.
Aadan marka uu ka dhabeeyay arrinkii lagu hishiiyay, oo ay Xaawo yaqiinsatay dhabta jirta, ayay ileen kama laaban kartee, marka ninkeeda iyo saaxiibkiisu guriga soo galaan, ayay iyada iyo ciyaalku qolka hurdada galaan. Marka Sugule gurigiisi u laabtana ninkeeday soo ag fariisataa, oo isku daydaa mar kale, inay ka waaniso, isna waa nin xidkaha ku maqane, inta duryan aan la fahmeyn ka soo yeero, ayuu ku ag suuxaa.
Waxa waqtigu is daba ordana, arrin cusub oo uu Aadan ka dhoohan yahay ayaa soo koradhay, oo sidee ku ogaan karaa, sow kan shaqo ku maqan ama hawadaas duulaya!
Xaawo haddii markii hore urka daroogada kala jaadka ah dhibi jiray, imika se caadi iyo dhib ma leh ayuu u noqday, kaba sii darane inta albaabka qolka jiifka soo istaagto ayay sanka la raacdaa. Waanadana way kala daashay ninkeedee, waxa ay ka dhabaysay oraahdii aheyd "Haddii aad wax ka qaban waydo, ku biir!”
Haddaba waxay si hoose ula xiriirtay Sugule, oo ay ogaatay in uu yahay darooga iibiye macaamiil badan ku xiran yihiin, waxa ayna ka dalbatay in uu u keenno daroogo aan isticmaalkeeda Aadan ka dareemayn, kuna barato daroogada inta ay la qabsanayso!
Sugulena, marka ay lacag tustay ayuu aqbalay. Waxa uuna bilaabay in uu si qarsoon maalin walba ugu keenno inta ay u baahato. Qaabka ay lacagta iyo daroogada u kala baddalan jireen ayaana ahayd, in uu Sugule marka Aadan saaran yahay iska dhigo mid musqusha aadaya ama jikada wax ka doontay, sanduuq yar oo yaal meel ay ogyihiin ayuuna lacagtiisa ka qaataa daroogadana ku ridaa.
Xaawana marka guriga ku cidlowdo, ee ninkeedu shaqada aado, carruurtuna ka seexdaan, ayay xaflad daroogo isticmaal ah dhigataa. Falkan ayaana socday mudo labo sano ah. Wax walba marka dhan laga eegona, si quman ayay u socdeen.
Haddaba maalin maalmaha kamida ayaa tuubayste loo baahday, Aadan oo ogaa in Sugule ku xeel dheer yahay arrimahaas, ayaa ka dalbay in uu guriga tago, ciladana bal eego oo xaliyo. In kasta oo ay Xaawo markii hore sidii in ay wax filanayso, diiday in Sugule uu guriga yimaado iyada oo kaligeed ah. Balse markii danbe oo uu Aadan ku adkeeyay ayay yeeshay.
Hadde albaab ay waajib aheyd in la ilaaliyo ayaa furmay, saaxiibtinnimo daroogo darteed ah, ayuu se Aadan ku kadsoomay.
Sugule marka gurigii yimid, oo uu ciladii ogaaday, cilad bixintiina gabo-gabo u tahay, ayay Xaawo waydiisatay daroo-gadeedii, oo ay aheyd in uu caawa u keenno. Isaguna waa nin fursad helee, inta sheydaanka madashaas saddexeeyaa kala tashaday sirta u qarsoon, ayuu "Kuma siinayo ilaa aad xaqeeda dhabta ah bixiso!” si kolsooni ka buuxdo u yiri.
Dabcan ‘Xaqeeda dhabta’ waxa laga wado waa daqoni garatay, umana baahna sidaan filaayo faah-faahin dheeriya.
Haddaba saddex sano ayay Xaawo qiimaha dhabta ah ee daroogadaas bixinaysay, balse wax la qariyaaba maalin ayay banaanka is keennaan. Waana la gaaray ayaantaase, Aadan ayaa goor barqo ah, oo aan guriga looga baran si kadisa u yimid, mise saaxiibkii Sugule iyo xaaskiisi Xaawo ayaa xaaladoodu foolxun yahay.
Hadal iyo boodbood marka bilaabayba, Sugule ayaa ku xasiliyay, "Doofaaryahow daroogada ayaan kaa jarayaa.” Dee intaas ku nool buu ahaaye "Haye mudane.” Iyo "Raali noqo!” ayuu Aadana ka daba yiri.
Aadan waxa uu saaxiibkii ka dalbay inaanu mar danbe guriga imaan, waxaana lagu kala tagay in arrinkaan aanan loo noqon, balse Aadan uun ayaa meesha ku sirnaa, oo Xaawo iyo Sugule waxay bilaabeen inay arrimahoodi si qarsoodiya ku sii wataan.
Mudo haddii sidii la ahaana, jacayl hal dhinac ah ayaa waynaaday, oo Xaawo ayaa loo dhaadhacay. Sugule ayayna u soo bandhigatay waxa qalbigeedu ku boori-nayo, ugu danbayna ka dalbatay in nin ku sheegeeda Aadan uu si uun ku dhaafiyo, isaguna guursado. Sugule oo markii hore dareemadan is daba yaal ka yaabay, ayaa isaguna hadal afka uun ah, Xaawo u qirtay jaceyl. Dalabkeediina si jees-jeesa uga yiri "Hal xabad ayaa ku filan, eyga aan adoonsado!!” balse go’aan ayaa sidaa lagu gaaray.
Xaawo isku day ayay sameysay, oo Aadan bay ka dalabtay inuu furo, balse maadaama ay uur laheyd, waa uu ka diiday. Hadde iyaduna ma sugi karto oo balaa dabada kaga jirtee. Maalintii labaad ayaa Aadan oo markaa shaqo ka yimid, oo qolka jiifka isku kala bixinaya, ayaa Sugule iyo Xaawo isku qabteen, laba diblena u xireen.
Ileen waa nin umuuraha markii hore sahashadee, mar kale ayay u soo bandhigeen in uu Xaawo warqadeedi siiyo, markaana ka diid, oo wuxuu ka cararayay ceebta uga imaan karta in uu furo gabar uur leh..
Waxa uu u qafaalnaa labo maalmood, oo jir dil joogta ah oo daran ayay marsiiyeen. Maalintii saddexaad ayaa Aadan isku dayay in uu baxsado, balse Sugule ayaa inta tooray iska soo jiiday wadnaha kaga beegay! Kuma dhiman taase, bireyntii xigtay baa sugnayd, oo goortiiba naftii ayaa ka haaday. Haddaba isla habaynka maalintaas, ayay goorta jawigu dagay ee dad iyo dugaagba seexdeen, qarka geeyeen, qashin meel tuurana ag dhigeen.
Labadii dilaa isma iimaansane, suba-xiiba arrinkii dilka ayaa shaacay, danbi baarayaasha ayaana dhaqaaqay. Xaawo iyo Sugule oo daroogo iska dhaamiyay, oo malaha rabay inay dilka hilmaamaan, oo habeenkaas baashaal adduun kii ugu darnaa galay, mid walbana dhan sariirta uga dhacay, ayaa la soo qabtay.
Marka xaqiiqdii la ogaaday ee asbuuc arrinkii la wad-waday, oo ay qirteen waxa ay faleen, ayaa waxaa lagu xukumay labadoodi dil toogasho. Labadii cunugna waxaa loo geeyay ayeydood hooyo.
Dhan!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...