Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Fahad Yaasiin?

0
Monday September 27, 2021 - 08:25:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Galmudug & Fahad Yaasiin?

    Kulanka Xalay dhex-maray Madaxweynaha Galmudug iyo Fahad Yaasiin ayaa si gaar ah diiradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka Xalay dhex-maray Madaxweynaha Galmudug iyo Fahad Yaasiin ayaa si gaar ah diiradda




Warar hoose oo aynu helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor uu xalay ku qaabilay hoygiisa Taliyihii hore Nabadsugida Fahad Yaasiin.

 

Wararka ayaa sheegaya in kulanka ay sidoo kale qayb ka ahayeen xubno kale oo uu ku jiraanWasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley, waxaana intii kulanku uu socday ay dhinacyadu kaga hadleen arrimo ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

 

Kulanka Xalay dhex-maray Madaxweynaha Galmudug iyo Fahad Yaasiin ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray khilaafka taagan ee u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareerayay, tan iyo markii uu Rooble xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa loo arkaa in uu yahay saaxibka ugu weyn ee Villa Somalia heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble,waxaana haray uu isugu dayay in uu xaliyo khilaafka labada Mas’uul, iyadoo horay loogu guuldarraystay xalinta khilaafka, waxaana Qoorqoor uu hor kacayay dhinacyada ku howlan isku soodhaweynta Farmaajo iyo Rooble.


Loading...
Loading...