Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Xanuunka Covid_19 Halkii Ugu Sareeysay Gaadhay.

0
Sunday September 26, 2021 - 20:00:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Xanuunka Covid_19 Halkii Ugu Sareeysay Gaadhay.

    "Bishan Oo Keliyana Laga Helay Dad Ka Badan Kun Qof"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bishan Oo Keliyana Laga Helay Dad Ka Badan Kun Qof"

Hargeysa (HWN) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in xanuunka Covid_19, in dib u soo noqday isla-markaana bishan gudaheeda laga helay in ka badan kun qof, waxayna guud ahaan Shacabka reer Somaliland ugu baaqday inay ka feejignadaan.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye oo Shalay Warbaahinta la hadlay, ayaa warramay Xaaladda uu dalka ka marayo Covid_19, waxaanu yidhi  "Way jirtaa inuu xanuunku kor u kac sameeyey , isagoo marba in ku soo darayey, waanu ogeyn ilaa iyo badhtamihii bishii 8-aad, waxaad dareemaysay in kiisaskii kor u soo kaceen, maalinba maalin buu ku soo darayey, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey gaadhay meeshii ugu saraysey, marka la isbarbar dhigo bishii 8-aad oo dhan dadka laga helay laba boqol iyo dhawr iyo siddeetan bay ahaayeen, halka bishan aynu marayno kun iyo dheeraad Qof oo laga helay, markaas waxaa muuqata in mawjad cusubi ina soo gashay, oo run ahaantii inagu jirto.”

 

Agaasimaha guud wuxuu sheegay "Xaaladdu marba heer bay taagan tahay, xanuunkan sannadkii 2020 iyo 2021 marba heer uu joogaba wuu jiray, isagoo mawjado kala duwan ah ayuu inagu soo noqnoqonayey, xaaladdu waa xaalad aanu gacanta ku hayno, kiisas badan baa jira, run ahaantii ma jiraan dad badan oo xoog is dul fuushan, baahi ogsajiin oo muuqata ma jirto, mishiinada ogsajiinta ah ee aanu haynanaa wali xaaladda gacanta ayey ku hayaan, waxaa muuqata mishiinka weyn ee Cisbtaalka Hargeysa inoo yaalla weli wuxuu la talaacalaya Gobolkan oo dhan dadkiisa in wax lagaga qabto, welina umaanu baahan in dibedda ogsajiin dheeraada ah uga baahano”.

 

Mar uu ka hadlaayey tirada dadka laga helo xanuunka wuxuu yidhi "Maalin walba waanu soo saarna dadka laga helo, maalmuhuna way kala duwan yihiin, maalin lixdan ah, maalin konton ah, maalin siddeetana intuba way jiraan, maalmaha ay isgaadhan boqol bay gaadhaan inta laga helayo, waadhka cisbtaalka weyn ee aanu u banaynay ayaanu kula talacaynaa, oo aanu dadka dhigaynaa, welina may soo bixin in inta cisbitaalku qaadi waayey, cisbitaallada kale ee noo banaan ee aanu diyaarinay aanu geyno dadkii, markaas waxaanu eegaynaa isku dhawaansha ogsajiinta iyo bukaanka, maalinta loo baahdo cisbtaalo kale ayaa inoo diyaar ah, waxaa inoo diyaar ah Cisbitaalka Daryeel, waxaa inoo diyaar ah laba Cisbitaal oo kale, midna wuxuu ka dhisan yahay Waqooyiga Hargeysa midna Bariga Hargeysa, oo iyagana qalabkii iyo sariirihiiba la geeyey”.

 

Dhanka kale, wuxuu Agaasimaha Caafimaadku Shacabka ugu baaqay inay talaalka iyo wacyigelinta qaataan.

 

 


Loading...
Loading...