"AQRISO" Markale Midnimo Oo Caalamka lawadaagay Warsaxaafadeed ka dhan Go'aankii Somaaliland.

0
Sunday September 26, 2021 - 12:34:36 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    "AQRISO" Markale Midnimo Oo Caalamka lawadaagay Warsaxaafadeed ka dhan Go'aankii Somaaliland.

    WAR SAXAAFADEED URURKA MAR KALE MIDNIMO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR SAXAAFADEED URURKA MAR KALE MIDNIMO.


Dhaqdhaqaaqa MAR KALE MIDNIMO, wuxuu ku wargelinayaa Qaramada Midoobey, Midawga Afrika, Ururka Igad, Jaamacadda Carabta, Midawga Yurub iyo dhammaan beesha caalamka in aan maamulka Somaliland aanu fikirka goonni u goosadka ah ku metelin bulshda Reer Waqooyi (x-British Somaliland) oo dhan.

Waxaa dhaqdhaqaaqa MAR KALE MIDNIMO cod dheer ku sheegayaa in qayb ballaaran oo bulshada Reer Waqooyi ka mid ahi ay aaminsantahay jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo 1960kii ku asaasntay israaca Waqooyi iyo Koonfur.


Waxaannu kale oo caddeyneynaa in maamulka Somaliland ka taliyaa uu rabo inuu afduubo oo duudsiyo xuquuqda bulshadaas ballaaran ee Reer Waqooyi isaga oo caado ka dhigtay xarig iyo handadaad joogta ah oo bulshadaas lagula kaco.

Waxaa kale oo dhaqdhaqaaqa MAR KALE MIDNIMO caddeynayaa in bulshada Reer Waqooyi oo ka qayb qaadanaysa doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ay yihiin dad Soomaaliyeed oo waddankoodii iyo dawladdoodii qayb ka ah. Cida xaq u leh in ay xuquuqdooda is hortaagtaana aaney jirin.

MAR KALE MIDNIMO.

No description available.

Loading...
Loading...