Dawlada Qatar Oo Cambaareysay Qaraxii Is-miidaaminta Ahaa Ee Shalay Ka Dhacay Muqdisho

0
Sunday September 26, 2021 - 12:20:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Qatar Oo Cambaareysay Qaraxii Is-miidaaminta Ahaa Ee Shalay Ka Dhacay Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Qatar ayaa cambaareysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen siddeed qof, halka sagaal kalena ay ku dhawacmeen.

 

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa lagu sheegay in 'dowladda ay cambaareyn xooggan u jeedisay weerarkii ka dhacay bar koontoroo oo ku taal degmada Xamar Jajab, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac'.

 

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Qadar ay ku celisay diidmadeeda rabshadaha iyo aragagixisada.

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa dhinaca kale tacsi uga dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaan, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay.

 

Siddeeda qof ee qaraxan ku dhintay waxaa ka mid aheyd Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

 

Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shalay.

 

VOA


Loading...
Loading...