Maxaa ka taqaanaa ciidanka Duufaan ee Farmaajo uu dhistay islamarkana uu isku haleynayo?

0
Sunday September 26, 2021 - 10:17:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka taqaanaa ciidanka Duufaan ee Farmaajo uu dhistay islamarkana uu isku haleynayo?

    Ciidankan wuxuu si toos ah u hoostagaa Fahad, Farmaajo, iyo Kullane, oo sidaa isugu xiga (Respectively).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidankan wuxuu si toos ah u hoostagaa Fahad, Farmaajo, iyo Kullane, oo sidaa isugu xiga (Respectively).



Kadib markuu RW Rooble xilka ka qaaday Taliyihii horee NISA Fahad Yaasiin, kuna badalay Gen. Bashiir Goobe 6-dii bishii Sebteember 2021-da, madaxweynaha waqtigu ka dhamaadayna ka daba magacaabay Yaasiin Fareey, ayaa waxaa xarunta dhexee NISA isku gadaamay ciidan lagu magcaabo Duufaan.

Ciidaankaa waxaa isticmaalayey Fahad & Farmaajo, oo rabay inaan Gen Bashiir Goobe xarunta dhexee NISA tagin, xilkana la wareegin, haduu isku dayana xabad kala daalaan, oo halkaa dagaal ka qarxiyaan.

 

Maxaad kala socotaa Ciidankan Duufaan?

Ciidankan Duufaan waa ciidan gaar ah, oo aan la marsiinin wadadii ciidamada qaranka lagu qori jiray. Hindisaha, iyo go’aanka sameeynta ciidankan waxaa iska lahaa Fahad Yaasiin aka Abuu Cammaar, Farmaajo, iyo Kullane-Jiis aka Jiis-Mareexaan. Waxeeyna isla go’aamiyeen, in dad iyo deegaan gaar ah laga qoro, dhanka kalana laga ilaaliyo dad iyo deegaanno qaarkood, oo aan hal qof laga qorin.

Ciidankan wuxuu si toos ah u hoostagaa Fahad, Farmaajo, iyo Kullane, oo sidaa isugu xiga (Respectively). Waxeey ugu talo-galeen ineey u isticmaalaan, ku caburiyaan, kuna laayaan cidkastoo caqabad ku noqota, ama eey u arkaan, ineey caqabad ku noqon karaan, danaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale, ee sadexdaa nin, Sidii ciidamadii magacyada badnaa ee uu Maxamed Siyaad Barre lahaa, ee uu isticmaali jiray ciduu doono, iyo siduu doonaba, ee uu xukunka ku ilaashan jiray, sida: Hangashtii, Dhabar-Jabintii, Kuwii Xisbiga…..IWM.

 

Qorista ciidankan waxaa loo xil-saaray Kullane-Jiis. Waxaa ciidankan badankiisa laga qoray beesha uu ka dhashay madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo. Waxaa qorista ciidankan in mudo ah uu ka socotay: Guud ahaan gobolka Gedo, iyo magaalada Cabudwaaq, oo ah deegaanada eey dagto beesha Farmaajo. Kadib markii intii laga qori karay deegannada beeesha Farmajo laga qoray, ayaa waxaa lagu badiyey, dhalinyaro si gaar ah looga qorayey in mudo ah, deegaannada Koonfur-Galbeed.

Waxaa sidaa loogu gudbiyey Turkiga, si eey tababar usiiyaan, iyadoo loogu qoray Turkida sidii ineey dhamaan qabaa’illada Soomaaliyeed kasoo wada jeedaan, oo eey leeyihiin astaantii ciidan qaran, iyadoo qofkasta loogu horqoray qabiil aanu aheyn, balse kooxda Kullane-Jiis usoo meeriyeen dhalinyaro-beeleedkaa reerka lagu qoray inuu yahay, si Turkida loogu muujiyo, ineey Soomaalidu udhan tahay, halka xaqiiqadu aheyd, ineey ahaayeen maleeshiyo-Beeleed, laga dhigayo ciidan hal reer ubadan. Ugu dambeyn markeey Turkidu soo tababartay, waxaa loo qeeybiyey, oo gacanta loo galiyey, hubkii iyo saanadii ugu cusleyd ee Turkidu bixiyeen, sida beebayaashii iyo gawaaridii kale gaashaamneyd ee Turkidu ku hubeeyneeysey ciidamada eey soo saartay. Maleeshiyo-beeleedkii ciidanka laga dhigay, waxaa loo xulay, oo taliye looga dhigay, sarkaal iyaga ka mid ahaa, oo ku beel ah Farmaajo.

 

Ciidankan waxaa hadafkiisa ugu weyn ee loo dhisay uu ahaa, in lagu caburiyo mucaaradka dowlada, gaar ahaan shacabka iyo siyaasiyiinta kasoojeeda "Beel-Weynta Muqdisho”, sidaa daraadeed, waxaa laga ilaaliyey hal qof oo kasoojeeda "Beel-Weynta Muqdisho”, si aanu wax damqasho ah, jixin-jix ah, ama u nuglaasho ah, uga galin dadka loo isticmaalayo.

Hadafkii loo dhisay ciidanka Duufaan waa loo isticmaalay. Waa ciidankii laba jeer lagu weeraray Madaxweynayaashii hore qaranka: Sida MW Xasan Sheekh Maxamuud, iyo MW Sheekh Shariif Sh.Axmed iyo gudoomiyihiii horee Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan. Habeenkii 19-kii bishii Feberaayo ee 2021-ka ee ciidanka Duufaan Hotel Maa’ida ku weerareen madaxweynayashii iyo gudoomiyihii hore, waxeey halkaa ku xasuuqeen kow-iyo-toban (11) askari. Waxaa haboonaan laheyd in magacyadooda, iyo sawiradooda ummada loosoo bandhigo, loona xuso sida loo xuso, kuwii lagu xasuuqay guriga hogaamiyaha Xisbiga Wada-Jir mudane: C/Raxmaan Cabdishakuur Warsame.

 

Ciidankan Duufaan waxeey markii sadexaad guryahooda ku weerareen MW Xasan Sh. Maxamuud, MW Sh. Shariif Sh. Axmed, iyo hogaamiyaha Xisbiha Wadajir C/Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo hoteelladii isaga kala guuray, dhex dagayna reerahoodii, si eey isugu dhex waardiyeeyaan, waloow weerarradii ciidankii Duufaan iyo kuwii la socdeyba leeyska caabiyey, hadana hadafka taliye-yaashoodu wuxuu ahaa, ineey madaxdaa wada dilaan, ciidanka ilaalinayana wada laayaan.

Ciidamada Duufaan waa isla ciidankii xabadaha kala daalay 19-kii Feberaayo 2021-da hogaamiyeyaashii siyaasada, iyo shacabkii ku mudaharaadayey Dal-Jirka Dahsoon. Muwaadiniintaa xabadaha lagala daalayo, waxeey gudanayeen xuquuqdooda dastuuriga ah, ee ah ineey isu-soobax nabadeed, fiiirkooda ku cabiraan.Waxaa muwaadiniintaa isu-soobaxay hogaaminayey Raysalwasaarihii horee dalka Mudane Xasan Cali Kheeyre, hogaamiyaha xisbiga Wada-Jir horena usoo noqday wasiir, madaxweynihii horee Gal-Mudug mudane C/Kariin Xuseen Guuleed…. IWM. Markii goobtaa lagu kala cararayna, waa ciidankii xirtay jidadka soogala Dal-Jirka Dahsoon, buux-dhaafiyeyna barta Dal-Jirka Dahsoon. Markii madaxdii abaabuleeysay isu-soobaxaan ku dhawaaqeen, in wali isusoo bixi jiro, waxaa ciidankan Duufaanka lagu kala daadiyey, dhamaan xaafadihii hogaamiyeyaasha mucaarada, iyo shacabka taageersan u badnaayeen, oo jid-cade kasta ciidan ugasoo baxay.

Heeysashada ciidan beeleedkan Duufaan, iyo guddoonka baarlamaanka oo jeebka Fahad & Farmaajo ku jiray, waa waxa ku dhiiragaliyey Farmaajo inuu ufikiro, inuu xoog iyo xeeladba ugu darsan karo laba sanoo sharci-darro ah. Markuu ku darsadayna 12-kii Abriil 2021-ka, ciidanka Duufan waa isla ciidankii udagaalamay meel-Marinta Afgambigii dhicisoobay ee 25-ka Abriil, kaasoo soo gabagaboobay, kadib markii saraakiil farabadanoo tacaddiyadaa kooxda Fahad & Farmaajo u adkeeysan waayey go’aansadeen, ineey dalka badbaado u noqdaan, qarankan haadaanka kasii dhacaya, kuwaasoo furumihii dagaalka ee Al-Shabaab iyo daacish-tii eey hor-taagnaayeen, isagasoo baxayoo caasimada soogalay, halkaasoo la isku farasaaray, dhimasho iyo dhaawac farabadanna uu ka dhashay, halkaasao shacab badanina guryahoodii uga qaxeen. Nasiibwanaag! Waxaa halkaa ku fashilmay Afgambigii dhicisoobay ee 25ka Abriil aka mudo kororsigii 2-da sano ahaa, oo haduu guuleeysan lahaa, dhidibada u aasi lahaa Diktatorship cidkasta qori afka ka galiya, dalkana ku qabsada, kuna maamula qori caaradii sidii hore u dhacdayba.




Wa billaahi toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Dhaqaale-yahan, qoraa, & falanqeeye siyaasadeed | Minnesota-USA.

[email protected]


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...