Jabuuti oo sameysay wixii ay Soomaaliya uga digtay

0
Friday May 17, 2019 - 14:52:08 in News by
  • Visits: 7103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti oo sameysay wixii ay Soomaaliya uga digtay

    Jabuuti oo sameysay wixii ay Soomaaliya uga digtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti oo sameysay wixii ay Soomaaliya uga digtay


Dowladaha Jabuuti, Itoobiya , Suudaanta Koonfureed iyo Uganda ayaa ku heshiiyay in ay dhistaan qad isku xira caasimadohooda, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiyaa.

Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd Urur Goboleedka IGAD



 


Madaxweynaha Jabuuti ayaa horey u sheegay in Soomaaaliya ay ka digtoonaato isbedelka gobolka ee Itoobiya ay hor keceyso.


Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu ku sheegay: "Anagu jawigaa nabadeed diyaar baan u nahay, annaguna waxaan niri horta bal arrinkayaga aanu dhameysano, waa dhowdahay, waana sugeynaa. Taasna kama dhigno in aan ka xunnahay ama aan ka horjeedo. Laakiin waxa weeyeen, salad walba xilligeedaa la tukadaa".


Mar uu arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay wuxuu yiri: "Heshiis anagu aan ognahay oo dhaqaalaha badalaya ama si kale u rogaya oo anagu aan ognahay majiro".


Madaxweynaha Jabuuti ayaa loo arkayay inuu ka caga jiidayay isbedelka ka socday Geeska Afrika, laakiin wuxuu ku adkeysanayay in iskaashiga dhaqaalaha uu sidiisii yahay. Hadase waxa ay u egtahay in iskaashigii uu Geelle uga digayay Soomaaliya uu galayo mid la mid ah.


Shirka labada maalmood socday wuxuu ahaa mid lagu soo afjarayay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta qadka. Dhinacyada ay quseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkad deggan fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn.


Dowladda Jabuuti ayaa horey u muuqatay in ay ka cagajiideysay isbedelka uu horkacayo ra'iisul wasaaraha Itoobiye Abiy Axmed, laakiin dhanka mashaariicda horumarinta, waxay u muuqataa in xukuumadda madaxweyne Gelleh in ay ka faa'ideysanayso.


Qadka isku xiraya Kampala-Jabuuti waa midka afaraad ee la qorsheeyay inuu fududeeyo isku xirta dalalka IGAD.


Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in dhaqaale xoog leh laga heli doono qadka isku xirka ah ka dib marka la hirgeliyo. Waxaana hadda laga fikirayaa sidii loogu gudbi lahaa qeybta fulinta mashruuca.

 


Loading...
Loading...