Maxweyne Hoos U Eeg Duruufaha Qalafsan Ee ay Ku Sugantahay Dagmada Darasalaan Gobolka Moroodijeex…. Diyaariye:Nimcaan Muhumed Elabe

0
Friday May 17, 2019 - 14:44:54 in Articles by
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxweyne Hoos U Eeg Duruufaha Qalafsan Ee ay Ku Sugantahay Dagmada Darasalaan Gobolka Moroodijeex…. Diyaariye:Nimcaan Muhumed Elabe

    Maxweyne Hoos U Eeg Duruufaha Qalafsan Ee ay Ku Sugantahay Dagmada Darasalaan Gobolka Moroodijeex…. Diyaariye:Nimcaan Muhumed Elabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxweyne Hoos U Eeg Duruufaha Qalafsan Ee ay Ku Sugantahay Dagmada Darasalaan Gobolka Moroodijeex…. Diyaariye:Nimcaan Muhumed Elabe



Anigoo ka mid ah Aqoyhanka Degmada Daarsalaam waxaa ka adkaysan waayey Duraafaha hadheeyey ee lagu daawanayo Degmada Daarsalaan sidaa daraadeed waxaafariintaydan Sitoos ah ugu Socod Siinayaa Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo isagu aqoon fiican u leh degmada Mudane Madaxweyne Duruufahaadag ee degmada ugu weyn Maamul xumo la daadegtay taasina waa ta keentay inaanu fariintayada kuu soo dirno baahiyaadka waxaa ugu siidaran baahiyaad ka aasaasig ah ee bulshada ,



Caafimaadka ,Waxbarshada , kuwaasi oo ay gabeen masuuliyiintii u xil saarnaa haday tahay heer degmo iyo heer Gobol,Caafimaadku waa mid laan gadhaynaaya oo aan cago adag ku taagneyn waxaase ugu sii daran waa wax barsahada bulshada ku dhaqan degmadu waa mid sanadkasta sii lib laabmaysaWaxan xusi doonaa schoolka ku yaala Dagmada Darasalaan gar ahaan xarunta Guud ee looga arimiyo Dagmada Darasalan ee (Gobolka Maroodijeex ) waa iskuulka ugu mihiimsan uguna Faca wayn waxana ladhis ama la aasasay sanadkii 2000


waana kay kusoo hiran lahaayeen dhamaan Tuulooyinka hoosyimaada xarunta Dagmada Darasalan. hirasho ay ku soo hirtaan iska daayo isagiibaa la daaladhacaya Duurfo iyo baahiyihii ku gadaaman waxanu ka aradan yahay dhamaan waxayaba asasaka u aha iskuul waxlagu barato ee suragalinaya in uu aradaygu helo dhamaan bahiyaha u samixi kara in uu helo adeeg waxabarasho oo dhamaystiran 2000 ilaa manta oo lajoogo 2019 iskuulku waxa horumara muusamayn waana afartii galas ee ladhisay 2000 taasi waxay md Degmadu Waxay noqtay Meel Caruuta maaulka ku barta lagu yidhaa taasina waxay sababtay inaanay qaadi Karin masuuliyada iyo xilka loo igmaday waxaa tuseele kuugu filaninaanay jirin wax lagu kordhiyey Dugsigii Ladhisay 19 sano korhadii uu jiri lahaaa maamul kanaxaya bahida waxabarasho ee jirta wuxuu latartami lahaa , iskulada Dagmooyinka dhigiisa ah eeleh ilaa heer dugsi sare


. Nasaiibdaro iskuulka xaraunta dagamada darasalaan ku yaal waxa ladhisay waxkhtigii la yagleelay dagmada darasalaan waxakhtigaa wadanku wuxu ku sugnaa marxalad Adag oo waxbarashada dib loo yabyabayay Tirada dadkuna aad bay u yareyd waxana loodhisay 2000 afara galas iyo xafiiskiisii nasiibdaro asaskii Dagamada ilaa manata oo lajoogo 2019 Laguma kordhin hal safal halka bahidii waxabarasho ee Dagmadu ay aad ukorodhay adan ubahan tahay una bahantahay ilaa dugsi sare nasiibdaro iskulkasi muunoqon mid lajaan qaada heerka waxabarasho ama baahida deeganka wana ta sababtay in fasal ladulsaaro fasalkale aynu agnahay heerka waxabarsho eeSomaliland waxakhtigan ku sugan tahay , manta xarunta dagmada darasalaan waxa ka jira dhibaato balaadhan oo foolxumo ku aha Maamulka iyo waxasarada waxabarshada oo wadanka uga masuula waxabarshada waxana muuqata xilgudasha laan maamulka iyo wasarada waxabarashada ah


Waxayaba layabka kale ee aanku arakay dagmada intaan macalika ka ahaa waxakamida waligay maan arag laba galas oo is dhex fadhiya Wadaagana hal samuurad tusaal Ardayga Fasalka Kowaad waxay isla hal galaas ku wada jiraan Aradayga Fasalka Labaad, Aradayga Fasalka Sadexaad iyo Fasalka Afraad sidookale Shanaad iyo Lixaad ,todbaad iyo sideedada.halkaa waxad ka arkaysaa masuuliyad darada ka jirta wasarada waxabarshada iyo maamulka dagmada oo aan ka damqananay dhibta haysata caruurtaa yaryar ee ay Masuulka kayihii ee ay leeyihiin waxabay baranayaan muxuu baran aradaygii mayaqaan fasalkiisa casharkiisa wali may dhicin in maamulka Dagmada Darasalan ka hadlo ama lawadaga dhibaatada aradayda ka haysaata galas yarida baxadaale ee ka jirta dagmada uu masuulka ka yahay


Jahawareerkahaysta ardaydaa waxakamida, ardaygii waa araday yar oo ubaahan galas lagu kantroolo oo ugaara sababtoo ah AradayguWaana ta sababatay in hadii aadsu’aal ka waydiiso casharkiisa way adagtahay in uu kaga jawaabo waayo waxa uu xiiso uhayaa aradayga kasareeyacasharkiisa ama ka hoseya dhinaca kale wuxuu xiisaynaya casharkii uu soo dhafay ama ka aanu gaadhin taasina waxay keenaysaa in uu aradaygu lumiya waxabaarashadii fasalka uu kujiray waxana macquula in aradaygu fasalka kowaad ilaa fasalaka sideedada ku dhamaysto jahawareer kaga yimaada in uu waya galaas u gooniya oo uu ku qato waxabarashadiisa.


Gabagabadii bahida iskuulka koma koobna oo kaliya fasal laan waxajira baahiyo badan oo kamid yihiin miiskii aradaydu waxaku baranayeen iyo kuraasta oo kuyara


waxana kala badan qalabka ay waxku baranyaan iyo ardayda oo kala badane sidoo kale macalinka aradayga waxabarayaa waa 7 macalin iyo sided galas sidoo kale macalimiinta ka hawlgasha iskuulka kala badha waa bilaa mushahar waa taasi waxay tooshka ku ifinaysaa masuliyad darada iyo xilgudashalaanta Maamulka dagmada iyo wasarada waxabarasha Somaliland oo dayacay waxabarashada dagmada darasalaan.


Hadaba hore ayaa loo yidhi madax-meel ka saraysa oo la taabtaa majirto Markaa Madaxweyne way kaa fursan weynday inaanu Fariintan kuusoo Dirno madaxweyne waxaanu kaa rajeynaynaa Gurmad Deg Deg ah


 

Halkaana waanu ka sii wadi doonaa baaqayaga intaanu helayno Maamul Xilkiisa Gudanaaya.


Diyaariye:Nimcaan Muhumed Elabe

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...