Danaha uu Farmaajo ka lahaa Wadahadalka Rooble oo banaanka yimid

0
Friday September 24, 2021 - 15:31:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danaha uu Farmaajo ka lahaa Wadahadalka Rooble oo banaanka yimid

    Wuxuu ku baaqay in la dardar galiyo howlaha doorashada, isla-markaana caddaalad buuxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu ku baaqay in la dardar galiyo howlaha doorashada, isla-markaana caddaalad buuxda


Mareykanka oo ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble Baaqna u diray | Allbanaadir.com

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ugu baaqay in ay mowqifkooda caddeeyaan, isla-markaana shacabka la wadaagaan wixii ka soo baxay waan-waantii ay wadeen iyo cidda ka danbeysay fashilka wada-hadallada.

"Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan”. Ayuu yiri Warsame.

 

"Shacabka Dowlad Goboleedyada, Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan”. Ayuu ku sii daray.

 

Wuxuu ku baaqay in la dardar galiyo howlaha doorashada, isla-markaana caddaalad buuxda loo helo Ikraan Tahliil.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, wuxuu sheegay in "u jeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka uu ahaa, in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga”.



 

Wadahadalladii ay garwadeynta ka ahaayeen Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ugu danbeyn burburay xalay xilli danbe, kadib markii Kooxda Farmaajo diideen xalka qodobbada lagu muransanaa.

Waa markii labad oo Farmaajo ka hor yimid xalka, dadaallo dhex-dhexaadin oo ay sidaan oo kale, garwadeyn ka ahaayeen Lafta-gareen iyo Qoorqoor, ayaa burburay 12-kii bishaan, kadib markii Farmaajo diiday qodobbo loo arkayay xal macquul ah.

Loading...
Loading...