Maxaadka ogtahay JIIRKA.!!?

0
Friday September 24, 2021 - 15:27:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaadka ogtahay JIIRKA.!!?

    Noocyo kamid ah jiirka biyuhu ma liqaan, oo waxa ay dabaalan karaan masaafo dhawr mayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Noocyo kamid ah jiirka biyuhu ma liqaan, oo waxa ay dabaalan karaan masaafo dhawr mayl

Jiirku waxa uu kamid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda lafdhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia), sidoo kale waxa uu ku jiraa qoyska ballaadhan ee xayawaannada leh labada fool ee hore ee waa weyn(Rodentia), kuwaas oo ay kamid yihiin: Jiirka, Bakaylaha, Caanaqubta iyo Dibigaallaha. Bahda Cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Rattus). Asal ahaan waxaa la aaminsan yahay inuu jiirku kasoo jeedo, qaaradaha Aasiya iyo Ustareeliya, balse wakhti xaadirkan laga helo adduunka oo dhan, guud ahaan jiirka waxaa looqaybiyaa laba nooc mid duurjoog ah iyo mid dabjoog ah, badanaa ka dabjoogta ah ayaa ka cimri dheer ka duurjoogta ah.


Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Rat), Carabidana (جرذ). Afka Soomaaligana Jiir ama Doolli. Cimriga jiirku waxa uu gaadhaa 1 sanno ilaa 3 sanno , dhererkiisuna 12 sentimitir, halka uu culayskiisuna gaadho 1.5 kiiloo garaam. jiirku waxa uu leeyahay 16 ilkood, sidoo kale sidkiisu waxa uu gaadhaa 21 ilaa 26 maalmood. Jiirku waxa uu kamid yahay xayawaannada leh dhiigga diirran. Jiirka dabjoogta ahi waxa uu badanaa kunool yahay meelaha qarsoon ee ay cimiladoodu diirran tahay, jiirku maalintii masoo baxo oo waxaa uu qadhaabtaa habeenkii isagoo cuna waxyaabaha kasoo jeeda dhirta iyo xayawaanka (omnivore). Aragtida jiirku waa daciif oo waxa uu aad ugu tiirsan yahay dhanka maqalka, jabaqda iyo urinta. jidhka jiirka waxaa looqaybiyaa saddex qaybood Madax, uurku jir iyo qaar danbe.

Noocyo kamid ah jiirka biyuhu ma liqaan, oo waxa ay dabaalan karaan masaafo dhawr mayl ah. Waxaa jira xidhiidhka dhaxeeya dadka iyo jiirka maadaama oo uu yahay xayawaan dadka la nool ama meesha ay joogaan laga helo, sidoo kale labaduba waxay ku jiraan bahweynta naasleyda leh dhiigga diiirran, sidoo kale waxay isaga dhaw yihiin xubnaha jidhka gudaha qaarkood sida beerka iyo wadnaha, habka dareenka jidhku uu ushaqeeyo iyo isu dhawaanshaha tirada hiddo-sideyaashooda, dadku waxay leeyihiin 46 hiddo-side, jiirkuna 42 hiddo-side waana sababta markasta dawooyinka la soo saarayo ama cilmi baadhisyada ay sameeyaan dhakhaatiirta adduunku ay ugu tijaabiyaan jiirka.

Qaybo kamid ah dalalka caalamka waxaa caado ka ah cunida hilibka jiirka in kasta oo aad looga dayriyay wakhtiyadan danbe inaanu habboonayn, sababtoo ah cunida hilibkiisa waxaa laga qaadaa noocyo kamid ah bagteeriyooyinka halista ee ay kamid tahay (Salmonella bacteria), markaynu eegno diinta islaamku siday qabaan badi culimada islaamku, cunida hilibka jiirku waa xaaraan. Ugu danbayntii jiirku waxa uu kamid yahay shan xayawaan oo nebiga SCW laga soo weriyay inuu amray in la dilo, haddii xaramka lagula kulmo iyo haddii kalaba.

W/Q. Dr.ibraahin dhuxul.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...