Diyaarad Dubai Ku Burburtay Oo Ay Dad Ku Dhinteen

0
Friday May 17, 2019 - 14:29:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Dubai Ku Burburtay Oo Ay Dad Ku Dhinteen

    Afar ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay diyaayad yar ku dhacday meel saddex mayl u jirta Garoonka caalamiga ah ee Dubai.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay diyaayad yar ku dhacday meel saddex mayl u jirta Garoonka caalamiga ah ee Dubai. Saddex ruux oo reer Britain ah iyo mid reer Koonfur Afrika ah ayaa saarnaa diyaaradan nooceedu yahay DA42 oo ka diiwaan gashan UK, sida ay sheegeen masuuliyiinta iskutagga Imaaraadka.


Diyaaraddan oo afar kursi leh waxaa leh shirkadda Flight Calibration Services, taas oo fadigeedu yahay Shoreham Airport oo ku yaalla West Sussex.



Shirkaddan ayay shaqaalaheedu adduunka ku safraan si ay u bixiyaan caawimaad duulimaadyada la xiriirta, iyadoo arrimaha ay qabtaanna ay ka mid tahay qiimaynta raadaarrada iyo iyo waxyaabaha kale ee la xiriira qalabyada soo dagitaanka diyaaradaha qaabilsan ee garoommada yaalla.


Hay’adda guud ee qaabilsan la socoshada badqabka diyaaradaha ee magaceeda loo soo gaabiyo GCAA ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan


Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in diyaaradda ay ku dhinteen duuliyihii, caawiyihii duuliyaha iyo labo ruux oo rakaab ahayd.


Duulimaadyo ayaa dib loo dhigay kuwo kalana meelo kale ayaa loo weeciyay, garoonk diyaaradaha ayaana la xiray 45 daqiiqo.


Garoonkaas ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida oo dhan sida ay sheegtay international passenger traffic


Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegtay "in ay si dhaw ula shaqaynayso dawladda Imaaraadka ka dib markii ay soo yeertay in ay diyaarad yar ku dhacday Dubai.


Shirkadda Honeywell ee Maraykanka laga leeyahay oo ka shaqaysa arrimaha injineeriyadda iyo duulimaadyada ayaa sheegay in ay kiraysatay diyaaradda DA42 iyo adeegga ay bixiso shirkadda leh si ay shaqo uga soo qabato Dubai.


War qoraal ah oo ka soo baxay Honeywell ayaa lagu sheegay "in ay aad uga murugootay diyaaradda maanta ku burburtay Dubai, isla markaasna ay u tacsiyaynayaan ehelka dadka dhintay.


BBC

Loading...
Loading...