Sharka Kooxda Iyo Shaxda Baruudda Iyo Shir Doceedkii Ka Dhanka Ahaa Guddoomiye Cirro
Hargeysa: Shir doceed ay xubno ka tirsan Xisbiga WADDANI ku yeesheen shalay dulleedka Magaalada Hargeysa, kaas oo aan si dhab ah loo oggeyn ujeedadiisa dhabta ah, balse la sheegay inuu ahaa mid kooxdii sawirro la ciyaarka ahayd ay iskugu yimaddeen, madddaama oo uu kaabiga soo saaran yahay shir weynihii Xisbiga, isla markaana la fillayo in ay Siyaasiyiin waan weyn ay ku soo biraan Xisbiga ka hor inta aan la gaadhin shirka, halka la filayo in ay khadka ka baxaan qaar kamid ah cannaasiirtan.
Kullankan shir doceedka ah ayaa la sheegay inuu ka qabsoomay dulleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in Neefka ay ku shidhaysteen halkaas iyo qarashka hadhimo sharafeedka iyo Barjaha uu bixiyey Xoghayaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, kaas oo la sheegay inuu isagu abaabulay, isla markaana uu u igmaday gacan yarihiisa gaarka ah ee lagu magacaabo Maxamed Faarax.
Waxa kale oo la sheegay in kooxdan maafiyadda ahi ay shir doceedkan ku qorsheeyeen qorshayaal ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga, kuwaas oo ah qaar lagu dhabar jebinayo, isla markaana halis ay ku yihiin Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro,kuwaas oo qaarkood loo igmaday inuu fulliyo Xoghayihiisa gaarka ah, kaas oo madasha ka qayb-gallay, isla markaana si weyn loogu xasuusto Fadhiyada qarsoodiga ah ee uu fiidadka habeenkasta uu waxba ju gudbiyo beena uu ka soo qaado hawlwadeenada cidda la tartamaysa Gudoomiyaha mucaaridka Waddani ,arimahaas iyo kuwi lafhab just ah xisbiga wadani oo dhawaan la soo bandaging doono
dhaawacay sumcada Guddoomiye Cirro, waxaana xusid muddan in maskaxdii shirkan soo abaabushay aanay ka dhex muuqan sawirra la baahiyey.
Xubnaha shirkan ka qayb-gallay ayaa la sheegay in ay qaarkood ka biyo diideen qorshaha dhagaraysan ee kooxdan, halka qaarna la sheegay in maddasha lagu qurxiyey,isla markaana aanay la socjon dhagaraha shir doceedkan,balse ay u haysteen keliya in hawshu tahay hadhimo sharafeedka iyo Barjaha iyo biyo raaciska
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!