Caradii Somaaliya, Cadaalad Daraa Disho, Ikraan Bay Daraad Cuneen

0
Friday September 24, 2021 - 13:17:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caradii Somaaliya, Cadaalad Daraa Disho, Ikraan Bay Daraad Cuneen

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh. BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

 TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-CARRADII SOOMAALIYA,CADAALAD DARAA DISHAYOO,

   CAANBAY KU NOQDEEN,CEEB MAAH WAA CADADOOD,

   CUQUBO RUUXII GALOOW,CAWDAY KUU JIIFSATAAYO,

   CARUURTAADAY U TAAL,CIMRIYAAL BADAN BAY SUGTA.

 



2-CAWAAQIB XUMAY DHASHA,CAADILKUNBA CEEB ASTURA,

   CARUURAHAY IIBIYEENEY,CADAWGOODA KU CAAWISEEN,

   COLAADA KU DHAMAADAYE,CIDIYO CIIRSI AAN LAHAYNEE,

   CIILIYO CADHODAY QABEENBA,CATAWGII WAALIDKOODA.


 

3-CALOOL XUMO OOYAYEEN,CIRSHIGA LAGA SOO AQBALAY,

   CAMALKOODII WAA KUWA HELEE,MIYAY CAQLI LEEYAHIIN,

   CIDIYAHAY DHIIG KALE GASHEEN,IKRAAN GOORTAY CUNEN,

   CAAMADAAN KA CABSOONAHAYN,CADAABAHA AAKHIRADA.


 

4-CIQAABTAN ADUUNYADANA,NINKII CUDUDLEHBA XUKUMA,

   CALOOSHODA CANUGTI AHAYD,CADKEEDI HADDAY DUBTEN,

   CUNUFKAA NIMANKII FUSHAAN,CADAALAD LA TAAGI KARIN,

   CAALAMKIISE HADDEER OGGOO,CIRKIYO QARINWA DHULKII.

                                        ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...