Xukuumada Jabuuti Wafti U Soo Dirtay Xuska 18ka May

0
Friday May 17, 2019 - 14:13:42 in News by
  • Visits: 3975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Jabuuti Wafti U Soo Dirtay Xuska 18ka May

    Wafti Culus Oo Madaxwaynaha Jabuuti Somaliland U Soo Diray+Safiirka Oo Soo Amba bixiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti Culus Oo Madaxwaynaha Jabuuti Somaliland U Soo Diray+Safiirka Oo Soo Amba bixiyay.


Hargaysa(HWN)Wafti culus oo ka socda dawlada jabuuti ayaa maanta safiirka somaliland u fadhiya wadanka jabuuti Ambasatoor Cabdi Fataax Siciid Axmed ka soo Amba Bixiyay Dalka Jabuuti Kuwaas oo ka qayb-gali Doono Maalinta Qaranimadda Somaliland ee 18ka May.



Waftigan oo iskugu jira xildhibaano iyo dubla-maasiyiin ayaa waxa soo diray madaxwaynaha dawlada jabuuti mudane ismaaciil cumar Geelle kaasi oo u soo wakiishay in ay la soo dabaal-dagan walaalahooda somaliland oo xusaya maalinta qaranimadooda.


Waftigan ayaa muhiimad gaar ah waxa iska saaray oo saaka soo amba bixiyay Danjire Cabdi Fataax siciid Axmed oo noqday safiirka kaliya ee waddanka uu joogo si fiican u hagaajiyay xidhiidhkooda kaas oo markastana uu jabuuti u soo fududeeyo in ay yimadaan waddanka.


Masuuliyiinta imanaysa ayaa kala ah saddex xildhibaano oo ka socda xisbiga taladda dalka jabuuti haya iyo Masuul kale oo qaabilsan protocol,Waxaana ay kala yihiin Djibriil Abdilaahi Maganeh,Ismaaciil Sanalassse siciid,Maxamed Cabdilaahi Cali Iyo Maxamed Cumar Faarax oo isna Ah protocol Waftigan.


Maalinta bari ah ayaa somaliland guudo ahaan laga xusayaa maalinta qaranimadda jamhuuriyadda somaliland waxaana waftiga uu soo diray madaxwaynaha jabuuti Mudane ismaaciil cumar geelle soona Amba Bixiyay Safiirka somaliland u fadhiya jabuuti ay Goob joog ka noqon doonaa xuska 18ka may.


Loading...
Loading...