Ku: Madaxwayanaha JSL

0
Thursday September 23, 2021 - 10:33:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku: Madaxwayanaha JSL

    Qore: Garyaqaan. Yuusuf Biixi Muxumed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Garyaqaan. Yuusuf Biixi Muxumed.

UJEEDO: Mudane Madaxwayne Fulinta Xeerkan Qadiyada Qaranimada Somaliland ilaalinaya Fulintiisu, Waa Masuuliyad sharci oo Adiga iyo Haayadahaaga Fulinta Saaran, Mana jirto Xeer la,aan ina haysa ee Waajibaad gudasho la,aan ayaa jirta ee halkaas go,aan sharci ka qaado. Waajibaadkagana ka guddo.



Go,aanka Baarlamaanka 2003 uu ku mabnuucayey ka qayb galka siyaasada iyo arimaha lagu gorfaynayo somaliya waxa uu si cad u jideynayaa in qofkasta oo mansab xil ka doonta ama madaxdhaqameed si uun uga qaybqaata arimaha somalia ama kaba haya kuraastooda ugu saraysa in maqanayaal lagu eedeeyo laguna xukumo si Waafaqsan Qodobada.212,217,184 XCG, isla markaana ku cad go,aanka Baarlamanka 2003 ay soo saareen Xeerarkani waa kuwa ay garsoorka dalkeenu sida maalinlaha ah ugu shaqeeyaan mana jirto sabab sharci oo looga gabadaa, waxa qudhay u baahanyihiin si lasii kobciyo.


Xafiiska xeerilainta waxaa saaran masuuliyada ugu culus oo ah in uu fuliyo xeerarka dalka uga yaala khiyaamada qaranka oo ay waajibkooda ay ka gutaan isla markaana ay eedeeyaan masuuliyiinta somaliland sida wadajirka ah ugula kacay khiyaamada qaran isamarkaana sheegta inay ku matalayaan somaliland kuwaas oo qarankooda uu dhuuni ka qaatay isla markaana dhalasho ahaan kasoo jeeda somaliland in sharrcigeenu qabanayo.


Eedaas xafiiska xeerilaalintu ay maxkamada awooda u leh u gudbinaysaa waxaa la dhagaysanayaa iyagoo maqanayaal ah eedaysayaashu masuuliyada ay doonan ha ka hayaan dalka aynu jaarka nahay ee Somalia, balse waa in ciqaabta ugu saraysa lagu abaal mariyo lana xukumo iyagoo maqanyaal ah, waxaanuu xadhig ciqaabeedku uu uga bilaabmayaa 15 sanoo xadhig ciqaabeed ah, iyo xabi daa,in , ilaa ciqaabta ugu culus oo dil noqonaysa, waana go,aan Baarlaman oo dhaqangal ah fulintiisuna ay dawo ka tahay in kolba laba qof ay qarabnimada khiyameyaan.


Talaabadan waxay dawo ka noqnaysaa Lixdan Qodob Ee Kala ah:

1. In Danbiile xukunsane maqane ah oo maxkamadaha somaliland xadhig dheer ku xukumeen aanuu qaranka Somaliland inuu matalo aanuu sheegan karin sharci ahaan.


2. In ay meesha ka baxdo in la yidhaahdo waa inamo shaqo tagay oo ay ku quustaan kuwo damacsan in siyar oo fudud loo cafinayo ilamarkaana aanay danbiwayn galin inay dareemidoonaan culayska danbiga ay qaranka ka galayaan Isla markaana ay wax ku qaadanayaan kuwa ka danbeeyaa


3. In muwaadiniinta kale ee mansabyada xamar u haqal taagayaa ay ku quus qaataan.


4. In Danbiile kasta oo dalka dib ugu soo noqda si fudud ay ciidamada boolisku xabsiga u dhigikaraan iyagoon amar qabasho doonan meesha ay ka baxdo odyaal u socdaa oo ay sidaas xukunsanayal danbi lagu halay ay ku noqdeen.


5. In shirarka Somaliland iyo Somalia ee muwaadiniinta u dhalatay Somaliland ay isku dayijireen inay ku matalaan ay sifo sharciya xukunada ku dhacaa uga hor joogsadaan maadama danbiileyaal ay ka yihiin Somaliland xukuna uu ku dhacay caqliga iyo sharciguba uu diidayo oo aanay somalialnd matali Karin sinaba.


6. In si toosa oo aan gabasho lahayn ay u cadaynayso mawqifka qaranka Somaliland.


Xaqsoore Waa Alle

Qore: Garyaqaan. Yuusuf Biixi Muxumed.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...