Dhuux oo Dhandhanso ... C/llaahi Maxamed Cumar

0
Thursday September 23, 2021 - 10:27:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuux oo Dhandhanso ... C/llaahi Maxamed Cumar

    Nabad iyo caano akhristayaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad iyo caano akhristayaal,

Alle ha u naxariistee, Cabdullaahi Suldaan oo ku caanomaalay naanaysta Timacadde, wuxu ka mid ahaa suugaanyahannada sida fiican u yaqaanna cudurrada soomaalida kansarka ku noqday ee loo maaro la' yahay illaa maanta ee ay ka midka yihiin; qaadka iyo qabyaaladdu.



Mar uu haddaba soomaalida tusaalaynayey xumaanta ay qabyaaladdu leedahay, ayaa wuxu yidhi:

" Hal bannaan ku ragaaddey
oo Galool ruugga ka gaadhey
Rawax waa ku kacshaa
Nin abeeso rudhaana
Haddayna ruux ka goynin
Riiq dambuu u dhintaa
NIN QABYAALAD RABAYSTAYNA
kolka rays kama gaadho
Ee raran kuu ku gubtaa."

Qeexidda ereyada qaarkood

1. Ragaad :Marka ay geel qodaxi ku jabto ee uu la dhutiyo, ayaa la yidhaahdaa wuu ragaadsan yahay.


2. Rawax: halkan wuxu gabayaagu ujeedaa, dhul dhagax leh. Macnaha hashii bannaanka ku soo ragaadey; markay meel dhagax leh timaado waxa ku soo kacda qodaxdii bannaanka ku soo muddey.


Rudhaa: goosataa ama qaniintaa

Rays iyo Raran:raysku waa dhul qaboow oo naxariis leh. Rarankuna waa dambaska kulul ama dhul hanfi ah oo ku leefaya- Sida, bacaadka lamadegaanka!


Dhandhanso oo ku dhaqan! Ka dheeroow qabyaaladda, qudhun iyo qaybin bay wadataaye!!

C/llaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...