JECAYLKII SAFRAY! Qaybtii| 2aad.

0
Thursday September 23, 2021 - 09:29:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JECAYLKII SAFRAY! Qaybtii| 2aad.

    Mid waliba halkiisu la jiifa hawshiise!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid waliba halkiisu la jiifa hawshiise!!



Wakhtigu waa is gurayaa ayaamuhu way galbanayaan. Nolol cusub oo dhan walba leh baa bilow ahaatay, oo aad moodo ilmo yar oo hadda addunkan dhalan roga ah ka soo naaq idhi.
"Allahow dhibadanaa
Qof ka tagey dhulkiise"
Waxaan noqday nin deeggan ku ah ama marti ku ah waddan shisheeye, cid aan garto ama i garranysaa yar tahay ama aanay jirrinba; waddan ka mid ah waddamada gacanka carbeed. Waxa Se Intaa ii dheer ama ii labeeyaba anniga iyo hibo oo na dhex yaalay, maanka kala fog hilowga galcaylka aan wakhtinna saacdana ka gudhayn laba qalbi oo isku ooman.
-labo aan is hurino,
-Haddana aan is hayno,
-Intuu caashaq wada heelay,
-Hayaan kala fogaadoo kala heeray waayuhu,
-Mid waliba halkiisu la jiifa hawshiise!!
Hibo dhankeeda jecaylka kaalintiisa waa mid dhowrta, waaxanay hadal tiraabteedu ahaan jiray 'Noolan maayo hadaad soo laban waydo!' Way ilaalisa, xanaanaysa. Sidii hooyadu u jeceshahay gurri danbeyska ubadkeeda, hibo waxa helay boholyow faro badan kasheeda iyo dubaqeeda waxa ka guuxa xussuusaha ma guurtada ah ee laabteeda ku yeeshay.
-Aymanow beri samaadkii
-Marka kafatan laysku beegsado
-Ma baraarugtaayo
-Boholyow ma oydaa? ????
Hoyga ma guuraanka ah.
Aniguna waxaa ii beer qaada jacaylka aan hibo u qaabo ilaa xad aan is idhaahdo tallow ma halkii uu cilmi iyo qays hoyga uga dhigay xabaasha ayaad Adna hadda u haab haabannaysaa?
-Anna boog jecayl
-Bar wadanha ku taalo
-Buggu ila xanuuna
-Ka bogsoonin weeyan
-Waana layga baantaa.
'Maya, maya' iln lagu baantaa oo lagu daweeyaa waaba sahalo. Bal aan u yeedho eraydii aad moodaysay in u ahaa shay jannada udugeeda ka soo daahiray ee ahaa.
-Cilmi kuu la balanbalay
-Ee qays la baaba'aa
-Anna igu balaadhee
-Bar wadnaha ku taalloo
-Igu baahday weeye
-Boodhari sidiisii
-Barashada jacaylkana
-Ayadaa igu beertee.
Hamiga laabta ku oodan ayaa ii waxyooday hadal ah xagee aakhiro kaa xigtaa warkaadu?
Ifka miyaa ku deeqi waayay?
Markaasan iskugu jawaab celiyaa maye uu i deeqay waayo hibo ayaaba dhulka guudkiisa ka sarreysa. Xidhiidhkii naga dhexeeyeyna uu sii qota dheeraaday, xuubka u siimay, xididadaa dhulka aastay. Hadalkeeda oo qudha ayaa raashin la quuto iguu filan codkeeda aad moodo in laxanka la saaray ayaa dhegaha ii fura, naftayda iyada ayaa wehelisa meel kasta oon ku suganahay.
Marmarka qaar waxaan u baxaa magaalada duleedkeeda, 'ileyn naf dabeylo sitaan dibad waa u hoyataa' aniga oo raba in aan aniga iyo qofka igu dhex nooli aanu wakhti wada qadano. Indhahayga waxa ay sawir buuxa ka qaateen jamalkeedii wacnaa, dhegahygu waxa ay maqal ka duubteen codkeedii macaanka la darriska ahaa; oo ah.
"Hindisuhuna siduu qabo
Hadmaan iman bal ii sheeg
Hor alla waan ku sugayaa" Yaa waduud!
Badanaa naftaydu waxa ay isoo lalisaa hadal ah iyada ayaa adduun iyo aakhiraba kugu filan, hadana waxaan idhaahdaa jannada hadii alle ku galiyo, kolay xural-caynta ayaa iyana ku sugaysa haddana nafti hibbo ku dhex noolayd aya ii jawaabta hibona iyadana jannada ayay kula gelaysa.
Waxaan noqday qof kali socod ah qof wakhtigana ku maweeliya xasuusihii hore ee berri samaadkii.
Waxa qurux ugu haboon
Waxa ugu qiimo badan
Qalbiga tiisiyo caqliga
Ilaahay kuguma qaadin
Adaa qayb libaax kahelay
Nafta kugu qanacdayo
Adaa igu qaaliyee
Allow hayga kaa qarrin
Allow hayna kala qarrin
************************************
Iyana i tidhi:
"Hindisuhun siduu qabo
Hadmaan iman bal ii sheeg?
Hor alla waan ku sugayaa"
La soco qaybta 3aad inshallah

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...