ogsoonoow Saddex nin ayaa ragga u fiican.

0
Thursday September 23, 2021 - 09:27:12 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ogsoonoow Saddex nin ayaa ragga u fiican.

    Murtidan waa murti saddexley, oo ay soo gudbinayso gabar si fiican ugu fiiirsatay dhaqamada ragga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murtidan waa murti saddexley, oo ay soo gudbinayso gabar si fiican ugu fiiirsatay dhaqamada ragga.


Murtida iyo mahmaahyada, waxaa laga helaa xikmado iyo caqli badan. Waxaa qof kasti abnaq iyo astaan u ah aqoontiisa, erayada iyo xikmadaha qurxoon ee ka soo burqada afkiisa.
Runtii murtida, waxaa laga faa'ideystaa dhinacyo badan oo ku saabsan nolosha.
Haddii aad tusaale ka soo qaadano, waxaa ka mid ah murtidan aadka u qiimaha badan, oo qofkii maqlaba jeclaanayo inuu qorto.
Murtidan waa murti saddexley, oo ay soo gudbinayso gabar si fiican ugu fiiirsatay dhaqamada ragga.
35 sano kaddib ayaa waxay banaanka soo dhigtay saddex ragga oo dhan ugu fiican in nolosha lala wadaago.
Waxay isku tixday saddex qodob, oo murti ahaan u qaabaysan.
Waxay tiri:
Saddex ayaa ragga ugu wanaagsan:
1- Nin reerkiisa u naag ah,
2- Sokeeye u nacas ah,
3- Shisheeyana u nacab ah.
Runtii murtidan waxay ragga ka eegtay saddex arrimood, oo cajiib ah.
Markii laysku celciliyey guud ahaan, tilmaamaha iyo astaamaha wanaagsan, ee ragga lagu sheegay, kuwa ugu wanaagsan, ee xikmadaha ku jira, waxaa ka mid ah, saddexadan tilmaamood.
...........................................
Tilmaamta kowaad.
Reerkiisa u naag ah.
...........................................
Ninku marka uu ku dadaalo daryeelka qoyskiisa, gaar ahaan shaqooyinka guriga tuban waa arrin cajiib ah oo diinwaanka taariikhda gasha.
Ninka hayinka ah, reerkiisa u adeega waa tilmaam wanaagsan xitaa marka la eego diinta Islaamka, waa dhaqan laga arkay Rasuulkeena Muxammed (SCW).
Rasuulka (SCW) wuxuu u adeegi jiray reerkiisa. Isaga ayaa dooni jiray howlaha looga baahdo suuqa.
Marka la eego dhaqanka miyigana, raggu door weyn ayey kaga jiraan howlaha iyo shaqooyinka reerka.
Ninku waxaa lagu qiimeeyn jiray, haddaba sida uu ugu adeego reerkiisa.
Inta badan ninku wuxuu u dhaamin jiray reerkiisa, wuxuu u qordin jiray agabka loo reerku ku dhaqmo.
Iyadoo reerka oo loo adeego lagu tiro wanaagga ragga, baa misane dadka qaarkiis, ee xantoodu iyo warkoodu badan yahay, waxay ku sheegaan, dhaqanka liita amase ninkii dhaqankan lagu arko inuu yahay nin sixran.
Macaada Allaahiye, dadka noocan ah, waa dad aynu oran karno, waa dad u dhashay caqli yaraan.
.........................................................
Tilmaamta labaad.
Sokeeye u nacas ah
.........................................................
Guud ahaan dagaal wax faa'ido ah, malaha. Dagaal sokeeyana waa mid ka sii khasaaro badan dagaal walba.
Dagaalka sokeeye haddii lagu guuleysto xitaa khasaarihisa ma dhamaado. Maxaa yeelay dadka aad laysay waa dadka sokeeyahaaga ah.
Sokeeyuhu waa dadka dhiig iyo dhalasho wadaaga.
Aduunku waxaa loo yaqaan "muwaadiniin" Ciidamada militirka, waxay naftooda u huraan badbaadinta dadkooda iyo dalkooda.
Waa arrin qarannimo ah, oo dowladaha badankooda walaalo iyo sokeeye ku noqdaan.
Haddaba, ninka ragga ah, ee wanaagsan wuxuu kula dhaqmaa dadka sokeeyaha ah, asluub iyo dhaqan wanaagsan, mana ku xadgudbo.
Wuxuu iska ilaaliya dagaal- sokeeye, mana dhax-galo colaadaha dhexmara dadka waxmagartada ah, ilaa lagu xanto, hebel waa nacas oo iskama celin karo reer hebel.
Ninka noocan ah, waa nin ragga ugu wanaagsan xitaa dadka xitaa dadka qaarkiis ha ku caayaan fuley nacas ah.
...................................................
Tilmaamta saddexaad.
Shisheeyana u nacab ah.
....................................................
Waxaa kale oo lagu yaqaan inuu shisheeyaha iyo cadowga neceb yahay.
Waa nin bulshada muhiimad aad u ballaaran u leh. Waa nin marnaba shisheeyuhu iibsan karin.
Sidaadarteed cadowgu iyo shisheeyuhuba marnaba kuma soo dhiiran karaan inay iibsadaan oo ay ku maskaxdiisa ku shubaan afkaarta yo siyaasadaha ay wataan.
Kartidiisa iyo aqoontiisa, wuxuu ku difaaca dhulkiisa iyo dadkiisa. Wuxuu aqoontiisa ugu adeegaa dadkiisa.
Ma ahan nin daba-dhilif u adeega shisheeyaha, ee gacanta u galiya kheyraadka dalkiisa.
Ninkan waa nin ragga ugu wanaagsan, waxaana lagu tirayaa ragga diintiisa iyo dhaqankiisa ku dhaashada.
Isku soo wada duubaa, saddex tilmaam waa dhif iyo naadir ragga yeesha. Sidaadarteed baa loo yiri, saddex ayaa ragga ugu wanaagsan.
1- Nin reerkiisa u naag ah
2- Sokeeye u nacas ah
3- Shisheeyana u nacab ah.
Saddex arrimood, waa saddex arrimood aad xitaa kula wadaagi karto dad walba oo dhulkiisa iyo dhalashadiida heshay xitaa yaadan u dhalanine.
...................................................................


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...