Wax Ka Ogow Dacwadda Ku Socotta Yuusuf Abdi Ali Tuke

0
Friday May 17, 2019 - 11:02:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Ogow Dacwadda Ku Socotta Yuusuf Abdi Ali Tuke

    Taliyii guutada shanaad ee Ciidanka xoogga dalka Somalia fadhigeeduna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyii guutada shanaad ee Ciidanka xoogga dalka Somalia fadhigeeduna ahaa Gabiley, Lafta boqor illaa iyo dhagaxmadoobe.ayaa la soo taagi doonaa maxkamad Civil ah oo ku taalla waddanka maraykanka gobolka Virginia,waxa maxkamadda iman doona si uu ugu caddeeyo,Maxamed Tani warfaa xareed oo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday xasuuqii uu dadka shicibka ah u gaystay,isla markaana sheegaya in mayd ahaan isaga uu uga tagay.



Tuke waxa uu dheeraa Sarakiisha kale ee Xukumaddii Siyad barre isagu dadka nolosha ayuu ku gubi jiray waxa la caddaynayaa inuu laba nin intuu geed ku xidhay patrol ku shubay ka dibna gacantiisa ku gubay,waxa kaloo la caddynayaa inuu nin nool gaadhi dabada ugu xidhay ka dibna jiiday laamida sidaasna uu ku googoay,inta uu gacantiisa ku toogtay tiradooda lama yaqaan waase caddan.


Waxa kaloo uu dheeraa saraakiishii kale ee Siyaad barre isagu Kamarad ayuu iska duubi jiray marka uu dadka dilayo ama jidh dilayo,taas oo ah arrin if iyo aakhiro midna aan u fiicnayn,waxana ku jirtay kibir iyo inuu u haystay inaan aakhiro iyo adduun midna aan looga daba imanayn,isagoo ku tagri falaya awooddii Militry.taangiyadii iyo teknikadii uu haystay xiligaas.


1991kii markii Somalia bur-burty ayuu tagay waddanka Canada halkaas oo uu shaqo ilaalo ah ka helay Airport,hase ahaatee markii warbaahintu aad u qaadaa dhigtay warkiisa ayuu ka baxay Canada waxanu waddanka maraykanka ka helay Visa ay xaaskiisa oo deganansho ka heshay maraykanku ay u soo saartay,xaskiisa oo iyada nafteeda lagu haysto inay qaab been ah ku soo gashay maraykanka,tuke waxa uu ka shaqeeyay shirkad tagaasida ah oo oo magaceda la yidhaa "Upper and lyft”oo u shaqaysa sida tagasida hargeisa looga yaqaan (Dhaweeye) oo kale,imika ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii shirkadda lagu eedeyay inay dad shaqaalaysiisay Danbiilayaal ah.


Todobaadkan ayaa maxkamadda la soo taagi doonaa maxkamaddani waa Civil ,lkn maxkamadda danbiyada dagaalka International Criminal Court ayaan wali qaadin dacwadaha xasuuqii ka dhacay Somalia iyo Ruwanda,sababtu waxay tahay kiiska ayaan la gaynin wali.


Sida uu dhigayo qodobka article (3),iyo (4) Geneva Soona baxay 1949 ayaa mamnuucaya in lagu gabood falo dadka shicibka ah ee aan qayb ka ahayn dagaalka arrinta uu Tuke ku eedaysan yahay waa taas.

Haddaad rabto Inaad wax ka ogaato Yusuf Abdi ali Tuke Google ayaad ka baadhaysaa iyadoo warbaahinta adduunka oo dhami wax ka qortay,Al jazeera,CNN,CBC IWM.


Yusuf Tuke dhalasho ahaan wuxuu ka soo jeedaa Somaliland hase ahaatee naf walba ilaahy ayaa xisaabin doona mana haboona in reer loo aneeyo,waana taariikhaha madow ee loo baahanyahay in la ogaado si aanay u dhicin in umadda Somalida ahi meel kasta ha joogto ama xatta si kasta dagaal ha u dhex maro e inay tahay caado ka mamnuuc ah Dhaqankii Somalida ee hore ee birima geydada lahaa,Diinta islaamka iyo shuruucda aadamaha intaba.



Ramadaan kariim

Rashiid Odowaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...