'' Maydan Maxaa Cusub '' .
maydan labba shay baa inaggu cusub .
- Habar yoonis mucaaridnimo ku cusub .
- Sacad Muuse madaxwayne-nimo ku cusub .
Labadaa qolo oo mid waliba ciyaarta ay wadaa ku cusub tahay ayuun baana keenay waayo cusub iyo waqtiga cusub , sababtoo ah ,
Qolada Habaryoonis Ina cigaal intii ugu badnayn muxaafid bay ahaayeen marka lagga soo bilaabo 1997 , Riyaale muxaafid bay ahaayeen , Siilaanyo have muxaafid bay ahaayeen , dabeeto mucaaradadii way ku cusub tahayoo , dhan ay kaga bilaabaanba way garan laayihiin .
Qoladan sacad muusena waa reer magaal , reer magaal ha ahaadaane waa dawlad yaqaan , dawlad yaqaan ha ahaadaaane maantaa madaxwayne-nimo ugu horaysa , markaa iyana waxaa ku adkaatay sidii dawladaha ula shaqaysan jirteen , ee u dhex qaadi jirteen maanta ha u dhexqaadinee is uruuriya ilayn tan idinkaa ka dareewalee , haddii ay hadal tahay waa xaadir , haday sawir tahay waa xaadir , haday difaac tahay waa xaadir , markaa iyana madaxwayne-nimadaa ku cusuboo way jaha-wareersan yihiin.
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!