Covid19-Ka & Bulshadeenna!

0
Wednesday September 22, 2021 - 17:03:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Covid19-Ka & Bulshadeenna!

    Waxaa Qoray (Mustafe Adam )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qoray (Mustafe Adam )  

Covid19 waa saf mareen halis ah, kaas oo faro baas bulshadeenna iyo caalamkaba ku haya. Maalin walba dad ayuu innaga galaaftaa, kuwa cusbitalada ama guryaha u jiifaa tiro ma leh. Waxa aad arkaysaa dhallinyarada oo leh:

 

 "Dadka waaweyn oo keliya ayuu u daran yahay”. Waa run, laakiin, qofka kasta oo uu ku dhaco dhibaato ayuu u gaysanayaa ciddii Illaahay swt uu ka badbaadiyo mooyaanee. Aniga [Mustafe] wuu igu dhacay. Xummad daran ayaan yeeshay, Illaahay swt wuu iga badbaadiyay, taladii dhakhaatiirtana waan qaatay oo ah in 14 maalmood guriga aanan ka bixin, daawooyinka la ii qorayna aan dhammaysto.

 

Nasiib-darada jirtaa waxa weeyi: Waxa jira dad badan oo xanuunka isku og oo bulshada iyo naftoodba halis ku ah oo suuqyada iyo makhaayadaha dadka la fadhiya. Ujeeddada 14 cisho guriga loo joogayaa keliya dan uguma jirto dad kale, gaar ahaan kuwa nugul, laakiin, adiga ayay danta ugu weyn kuugu jirtaa. Sababta oo ah xanuunkan dabeecadihiisa waxa ka mid ah in uu isbedbedelo (mutation), sidaas awgeed haddii aad fadhiisan waydo oo aad mar walba deegaanka bedesho waxa aad khatar ugu jirtaa in uu si sahlan uu sanbabada ugu gudbo, dabadeedna naqasku ku qabto. Haddii uu sanbabada u gudbo, xataa haddii aad ka bogsato saamayntiisa waad daraamaysaa, haddii aan Illaahay kaa badbaadin.

 

Annigu dhakhtar ma ihi, laakiin, waxa aan soo jeedin lahaa in qofkii iska shakiyaa uu ummadda ka dhex baxo oo uu karantiil galo, daawooyinka iyo talada dhakhaatiirta qaato. Kuwa caafimaadka qaba waxa la gudboon in ay tallaalka qaataan. Haddii uu kugu dhaco adiga oo tallaalan wax badan kuma yeelayo, haddii aan Illaahay sabab kaaga dhigayn.

 

ALLA MAHAD LEH


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...