Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaa uu dhigay cashar u baahan in lagu qaato tusaale, laguna daydo.
Wuxuu badbaadiyey lacagtii uu ku bixin lahaa malxiiska siyaasadeed
Casharkaas oo ah in magiciisa kaliya lagu qoray kursiga 1-aad ee liiska doorashada Kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliland qodobada aan ka baran karno waxaa ka mid ah:
1. Cabdi Xaashi munaafaq ma ahan, inta uu been jili lahaa oo shaqsi been ah intuu lacag ku bixiyo ku meteli lahaa qof la tartamay wuxuu ka door biday in uu kaligiis booska ku qornaado oo uu runta ka sheego sida uu ku soo baxayo.
2. Wuxuu badbaadiyey lacagtii uu ku bixin lahaa malxiiska siyaasadeed CEEBTA KU AH DOORASHADA SOOMAALIYA wuu iska diiday.
3. Waxay aheyd inuu malxiis ka bixiyo lacagta diiwaangalinta, lacagta shaqsiyaadka jilaya in ay malxiiskaas u codeeyeen, lacagt a malxiiska laftiisa la siinayo iyo lacagtii laaluushka aheyd ee la siin lahaa guddiyada doorashada qaarkood.
4. Isku kalsooni ayuu muujiyey, Ilaahey ayuu ka cabsaday inta uu ka cabsan lahaa dad warkooda, been jilliinkeeda lacag ku bixin lahaa.
5. Runtii la qarinayey ayuuna daahfuray oo waa geesi.
6. Wuxuu leeyahay mabda’ aan is bedbedelin oo ah inuu runta sheego xitaa haddii runtaas ay dad badani dhibeyso.
Hanbalyo!
Waxaaa ugu hanbalyeynayaa sida uu inoo qaddariyey ee uusan inoo horkeenin shaqsi beenaad aan dhihi karin "WAAN TANAASULAY”
Runta dad yar ayey dhibtaa, beentase waa loo cadaab tagaa.
Abukar Albadri
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...