Waa maxay Waraabe U taag ?
Doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday maamulada qaar ayaa dad Waraabe U Taag ah lala sharaxay
Maalmahan waxaa aad warbaahinta ugu jira ereyga ‘waraabe u taag’ oo markani yeeshay micno siyaasadeed oo cusub, balse asal ahaan ereyga maxaa loola jeedaa?.
Sawirka waxaad ku arki kartaan waxa loola jeedo Waraabe U Taag oo sawir ah, waana sheey ka samaysan ulo iyo maryo oo loo ekeeysiiyay qof bini’aadam ah, kaas oo laga dhex qotomiyo xerada xoolaha ama beeraha si loo bajiyo xayawaanka soo weeraraya habeenkii, kuwaas oo u maleeya in waxa meesha taagan uu yahay qof bini’aadam ah oo waxyeeleyn kara.
Hadda micnaha siyaasadeed ee loola jeedo waa in qof musharax u ah kursi ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Aqalka Sare lala taago qof uu isaga soo xushay oo loo arko in uusan tartanka kaga badin karin, balse dadka kale iyo beesha caalamka loo tuso in uu meesha tartan ka jiro.
Ereygan ayaa waxa uu aad usoo baxay shalay markii hal kursi lagu qorey guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyada oo dad badan ay sheegeen in Cabdi Xaashi uu xitaa ka baqay in qof Waraabe u taag ah lala sharoxo.
Doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday maamulada qaar ayaa dad Waraabe U Taag ah lala sharaxay musharixiin loo arkay in ay muhiim yihiin, waxaana ka mid ah nin soo sharaxay darawalkiisa, kaas oo markii ay doorashadii dhamaatay uu isla darawalkii gaariga ku kaxeeyay, gurigana ku geeyay.
Hase yeeshee markasta ma ahan naqshad 100% guuleysata Waraabe U Taagga, 2016-kii, waxaa dhacday in musharixiin lala taagay Waraabe U Taag ama Manxiis, in qofkii loo haystay in uusan waxbo ahayn isagii la doortay, sidaasna baarlamaanka kusoo galay.
Ka qeybgalka Siyaasadda Waa xuquuq asaasi ah oo ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay ee la dhigay 1945-tii, iyada oo marka xuquuqdaasi muwaadhinka si uun looga xayuubiyo ay inta badan horseeddo xasilooni daro siyaasadeed. Waxaase inta badan Soomaaliya ka dhacda in xuquuqdani ay tahay tan loogu tumashada badanyahay, haddane had iyo jeer laga hadlo dhalinta xasilooni siyaasadeed.
W/D: Cabdinaasir Axmed Sh Bashiir
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...