Dhuux oo Dhandhanso, Qaad, Cabdullaahi Maxamed Cumar

0
Wednesday September 22, 2021 - 09:27:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhuux oo Dhandhanso, Qaad, Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Nabad akhristayaasha sharafta lahoow,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow,
Akhristayaal, waa qaybtii afraad ee soo xigashada xigmadda faraha badan ee afkeenna hooyo ku duugan. Murideenan maantuna waxay leedahay:



" Ninkii dhimiro loow waalidkaa
Dhaawdii lama diido
Haddana kaad dhaliil tuhusan tahay
Looma dhego koomo!!"

Murtida aan tixdan  kooban ka soo dheegan karnaa, waxa weeye:
  • in qofkii damiir lihi u dhegonjuglaado waalidiintiisa - wixii aan macsi Alle ahayn. Haddiise ay wax macsi Eebbe ah ku amraan, lama adeecayo waalidka iyo cid kale toona. Waxase inna saaran, in aan waalidka si fiican ula hadalno - xataa haddii aynaan fulineyn waxaasi macsida ah ee ay inna amreen!

  • Tusaale ahaan, hooyadaa baa ku tidhi, " Haddii aad ina hebel madaxiisa ii keeni weydid kumaan dhalin ee dib ha ii soo agjoogsanin!"


  • Shareecadda Islaamku kuuma ogola, in aad dhiig muslim xaqdarro ku daadisid. Laakiin hooyadaa u caqli celi oo si wanaagsan oo hufan ugu sheeg, in aan Alle innoo ogolayn daadinta dhiig xaqdarro ah.

Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...