Nin Bukaa Bulsho Ma Daaweeyo ( Abdi-Shotaly)!
Ummad yahay waxan idin waydiiyey su'aasha ah " Bahasha cuqdad la yidhaahaa ma laga bugsadaa?" Hadaan anigu isku ayo, oo aan si kooban is idhaaho uga jawaab, waa maya, oo lagama bugsado, qofka ay gashaana isaga baa aakhirka ay dishootaa, waa sidda askariga " Raggii ma adigaa ka hadhaye", oo intuu hantiddii ummadda si cad jeebka ugu shubtay,hadana " Habar jeclo ku eedeeya dalka way xaalufi-yeen" Weliba sidaas wax kaga doonaaya, oo kolba mid u maqaar saaraaya uu ku adeegto, Oo leh Allaw xero madhan xoollo soo geli" ilayn markay kadan tahay bay Alle taqaanaaye. Meeshii ay ka dhaqaaqeen Raggii-Ragga ahaa ee Reerku, Sidda Xirsi Xaaji Cali Xasan, Maxamuud Xaashi, Abawaan ku jare, Buur-Madaw iyo tiro kale oo aan halkan lagu soo koobi karini, baa waxa uu askarigu miciin mooday " Cali Mareexaan" oo intuu doorashaddii ku shaqaystay, ka dib uu dhulka jiid-jiiday, siddii haraga kolkii ay hilbaha ka dhamays-teen habar dugaag raqddii ay dileen, uu tuke ka dulwaaq leeyahay, buu maanta dib ugu yeedhay, isba haduu naf leeyahay Sidda Baashe Cawil Buu diidi lahaaye, waxan-se kaga ciil la'ahay in aanu reerku ahayn ama wax u noqonaaya mid iyo laba ee Rabbi ka dhaliyey Libaaxaddii Askariga £dda maalmood u qabtay. Aan intaas maanta halkeedda ku dhaafo'e, bal ku soo dhawaadda aan dib ugu noqdo micnaha uu sheegaayo Cinwaanka sare ku qoraniye.
Waxan daawaday " XaflDDII kala wareejinta ee Badhisaab-yadda Gobolka Togdheer ( Waa Burco'e)" oo ay ka hadlayaan laba cuqdadda kala daran, oo aan dawadoodda aduunka lagu hayn, buka oo uu naxli iyo colaad beeleed ay beerka iyo bogga dhaamisay, kuwaas oo kala ah:-
(a) Iyaba waa yaabe ka la yidhaaho " Maraan" ee 15ka sano ka ahaa Maayarka Burco, oo si toos ah colaad in uu ku beero badhi-saabka cusub ee "Beesha Cibraan" ka soo jeedda, isaga oo doonaaya in uu dagaal la gallo beesha Garxajis, waxa ka mid ahaa ereya-diisa, Anigu waxan ku ducaystay in aan foodka ka hello 50.000 oo cod ilaahay-na wuu igu asturey, ee adigu waa in aad keentaa 100.000 cod, mana oga halka uu reerku maanta ka taagan yahay Xusbiga ay ku shaqays-taan labadad askari ee "Qudhmiye" oo uu reerku ogaaday runtii, af-buuxa-na ay ku yidhaaheen askarita " Geenyo shaaximan iyo Raggii ma adiga aka hadhay" Ha nagu soo lugo'ina. Badhi-saabka cusub ee Tog-dheer waxan leeyahay, yaanay kuu yeedhin hawsha laguugu dhiibay gobolka aad ka soo jeedo, ee siddii aad u walaalayn lahayn, ummadda gobol-kuna ay gacmaha isu qabsan lahaayeen, gobolkaaga aad u hor marin laahyd falawgeed qabo, oo ha ka dhegaysan askarta iyo " Maayarkii hore ee aad bedeshay ( Waa ka la yidhaaho Maraane)", Yaan lagugu guurin ee la qabso halka uu maraayo tolkaa, ogaw-na in kuwa shirka fariinta kaa faraayey, ee colaadda kuugu gelinaayey Garxajis, in ay yihiin kuwii gobolka ka reebay qayrkii iyo qayr ku xigeen-kiiba, boobay ee loo adeegsa-naayey isku dirka reeraha aanay wax-ba ka dhaxayn, nin bukaa sidda maraan yaanu ku sahayan.
(b) Ka labaad ee meesha ka nc-nac lahaa waa kii aynu ogayn waxa uu yahay iyo cudurka uu qabo ee aan aduunka lagu hayn dawadiisa, waa ka sakhraanka ah ee la yidhaaho " Ramaax" oo uu waagu ugu beryo deribiyadda Hargeysa isaga oo caaga sita. Wuxu shirka ila soo taagay, Cali Mareexaan oo ah Lamabr 9 baa ku grab taagan, ee la " tasho isaga iyo Aniga iyo Mr Maraan" saw aduunyooy xaalkaa ba' maaha. Colaad fogaatay iyo naxaliga jiifaa awgeed, waa kii lahaa "Xasuuqii Jaamac Dubad waxa la laayey Oromo". dadka cayn-kaas ah baa ku leh nala tashadda. Waxad wadda arkay-seen wixii uu ka samay-naayey, doorashaddii Shir-Gudoonka Wakiiladda, Waad daawa-teen af-kala-qaadkii ku habsaday isaga iyo qaar kaloo wasiiro ku sheeg ah, oo barbar fadhiyey-ba, kuwaas oo is lahaa wax baad helaay-saan, una yimi in ay ku wiirsadaan is-bahaysiga, laakiin afka dhulka daray, oo ay halkii calooshu ku soctay, siduu afka u kala hayey Sakhraanka Ramaax waad wadda arag-teen, markii hadh cad la socod-siiyey iyo wixii ka qabsaday idin-kama qarsoona. Wuxu yidhi Rabbi janadda fardawsa ha ka waraabiyo'e Timacade (Ihun), isaga oo dadka noocaas ahi, marka ay ummad hor kacaan, ama hogaan u noqdaan, sidda askarta, Mr Maraan, Ramaax, Ina Sulub, Maxamed Muuse diiriye ( Af-Dulaaq Darayo) Saleebaan Cali Koore iyo qar kaloo badani, in ay ummadaasi halawdo, isaga oo Timacade (Ihun) maanso ku sheegaaya wuxu yidhi " Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma'e" waa run oo " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan baa ina hor boodaaya " Subxaanak yaa Cadiim"
Waxan ku soo xidhay Muwaadin maqaalkan, Bal idin-kuba caqlaa leedihiine, kuwa noocaas ah aan sare ku soo sheegay, markay ummad hormood u noqdaan, maxaad ka filaysaan? Saw looma hor-seedin hoog, ba', burbur, is nac, isku dir, qabyaalad, eex lagu kala guro, cadaalad darro, colaad aan damayn. Weliba ay u dheer tahay, in hanti-dooddii dhul iyo duunyo-ba la boobo, ilayn marka hore-ba looma keenin in ay u shaqeeyaan ummada'e, waxa loo soo urursday duul xunkan in lagu kala qaybiyo, oo loo adeegsado'e. Ugu dambayn waxan kus oo qoofalay, Kuwa aan xagga sare ku soo magacaabay, weli xil bay ka sugayaan Askarta, oo ayw axaas u samayna-yeen, iyaka oo islahaa isku shaan-dhayntii ha la idinku soo daro, ilayn dar wax isku falaaya maahee. Allaa-Kariim, inta la isticmaalay, baa siddii guuf ay ka dhamaatay timiri debedda loo tuuray, oo la yaabka jira aanay weli quusan, horaa loo ytidhi " Doqoni qiiq kama kacdo, ee daamamka bay meer-merisaa" Kuwan baa sidaas ah, marka lagu darro Cali Mareexan iyo noociisa.
N.B Doqoneey Dabkaa Ba'.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!